Ciidamada Dowlada Somaaliya iyo kuwa AMISOM oo maanta la wareegay Deegaano Muhiim ah oo ay heesteen Al-Shabaab

0
173

Ciidamo katirsan Milatariga Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta Al-Shabaab kala wareegay deegaano katirrsan Gobolka Shabeelaha Dhaxe .

Sida aan Wararka ku heleyno Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa weerar waxa ay ku qaadeen Deegaanada Ceel Baraf iyo Caadley ,halkaas oo mudo badan ay gacanta ku hayeen dagaalyahano katirsan Al-Shabaab.

 

Abaanduulaha Ciidanka Xooga Soomaaliyeed Ali Baashi Xaaji Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay Wasaarada Gaashandhiga ayaa shaaciyay in Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay maanta dagaal la’ana kula wareegeen Deegaanada Ceel Baraf iyo Caadley.

 

Waxa uu cadeeyay Abaanduulaha in Ciidamada ay maalmahan howlgalo ka wadeen qeybo kamid ah Gobolada dalka gaar ahaan Shabeelaha Dhaxe, waxa uuna tilmaamay in Ciidamada ay wadaan howlgalo looga saarayo Al-Shabaab deegaanada iyo Degmooyinka kuyaala Sh/Dhaxe.

 

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo ay ka sameeyeen Gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa ay kula wareegeen Deegaano muhiim ah oo kuyaala Goblkaasi ay kamid tahay Deegaanka Biyo Cadde, Ceel Barafle ,Caadley iyo deegaano kale..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here