Ciidamada Dowlada Ciraaq Ee Ka Dagaalamaya Mosul Oo Lagu Furay Qiiq Sun Halis Ah

0
184

Ciidamada Mareykanka ee saldhig ku leh agagaarka magaalada Mosul ayaa xirtay qalab ay isaga difaacayaan sunta warshad baaruudda sameysa oo ay hubeen kooxda Daacish.

Qiiqa suntan ayaa u baxaya dhanka degaanka Qayarah, waxayna doonayaan in ciidamada Ciraaq ee halkaasi ku sugan ay sunta saameyso.

 
Gubashada warshadda waxay bilaabatay laba maalmood ka hor, waxayna ku taallaa Koonfurta Mowsil.

Degaanka Qayarah waxay marin muhiim ah u tahay ciidamada Mareykanka oo taageeraya kuwa Ciraaq ee duullaanka ku ah magaalada Moosil oo ah meesha ay ugu xoogga badan yihiin kooxda daacish
Baaruuda waa sun saameyn karta qofka marka sanka ay ka gasho ama ay gaarto maqaarka ama indhaha ay gaarto sida ay sheegtay waaxda Caafimaadka England.

 

 
Marka neefta qofka ay raacdo, waxay sababeysaa cun-cun dhuunta iyo sanka ah, Lalabo, Matag, calool xanuun iyo inay dhibaato u geysato sambabada.

Dhanka maqaarka, waxay sababtaa cun-cun, midabka oo is bedela, iyo finan jirka oo dhan kasoo baxa.

Indhaha haddii ay gaartana waxay sababi kartaa indho la’aan aan waxba laga qaban Karin, waxayna suntan saameyn xoogan ku yeelan kartaa duullaanka hadda socda ee ciidamada Ciraaq ku doonayaan iney magaalada Moosil kaga saaraan kooxda Daacish.









LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here