Ciidamada Ciraaq oo qaaday guluf dagaal oo kooxda Daacish looga saarayo Mosul

0
204

Dowlada Ciraaq ayaa ku dhawaaqday inuu si rasmi ah u bilowday guluf dagaal oo ka dhan ah magaalada Mosul oo ah tan labaad ee dalkaas ugu weyn hallaasoo ay gacanta ku hayaan kooxda Daacish.

Ra’isul wasaaraha Ciraaq, Haider Al-Abadi ayaa shaaciyay milateriga dalkiisa ay dhowaan soo afjari doonaan kooxda Daacish kana saari doonaan magaalada. Mosul.

 

Mr Abadi oo duulaanka saqdii dhexe ee xalay ka shaaciyay telefishinka Qaranka ayaa sheegay in la gaaray wax uu ugu yeeray (Saacadii la sugayay) ayna soo dhawdahay guul ballaaran.”

Hubka culus ayaa laga maqlayay deegaanada u dhow Mosul, iyadoo ciidamada Ciraaq ay isku dayayaan iney go’doomiyaan magaaladaas oo shan sano ka hor u gacan gashay kooxda Daacish.

Qabashada magaalada Mosul ayaa la sheegay iney horseedi doonto in kooxda Daacish gebi ahaanba looga adkaado Ciraaq hase ahaatee waxaa laga cabsi qabaa in dagaalka Mosul uu muddo dheer qaato.

 

Ku dhawaad 300 oo kun oo askari oo Ciraaqiyiin ah ayaa ka qeyb qaadanaya duulaanka Mosul looga saarayo kooxda Daacish, iyadoo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ay sheegtay in UNHCR ay fileyso in boqolaal kun oo qof ay ka qaxaan Mosul todobaadyada soo socda.








LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here