Chelsea Oo Lagu Wado In Ay Magacowdo Laurent Blanc

0
646

Chelsea ayaa lagu wadaa in ay magacowdo tababarihii hore ee Paris Saint –Germain Laurent Blanc.

 

Antonio Conte waxa uu hadda ku joogaa Chelsea is afgarad u dhexeeya maamulka Blues oo donaya in uu ku simo inta ay tababare ka magacabayaan.

 

 

Chelsea waxa niyadeeda sare u qaaday is casiladdii Zinedine Zidane ee Real Madrid balse waxaa la qabaa in uu hadda ku dhaw yahay qandaraas uu u saxiixo xukka qaranka Qadar oo martigalinaya koobka aduunka 2022-ka.

 

Dhinaca kale Blues waxaa la fahansan yahay in ay ka hareen reeadintii Maurizio Sarri iyaga oo u weekday Blanc oo hore uga soo garab dheelay Zidane.

 

Tababaraha reer France waxa uu ku guuleystay afar Ligue 1 xilliyaddii uu kala leylinayey Bordeaux and Paris Saint-Germain.

 

Taas waxaa dheer, wararka ayaa sheegaya in Blanc uu aad u doonayo ku soo noqoshada horyaalada heerka kowaad kaddib laba sano oo uu ka maqnaa.

 

Black waxaa lagu bedelay Unai Emery kaddib markii uu ku fashilmay in uu Paris Saint-Germain ku hoggaaminayo ku guuleysiga Champions League.

 

Haddii uu ku guuleysto shaqada Chelsea, Blanc waxaa horyaal waajibaad culus maadaama laga rabo in uu kooxda reer London dib ugu soo celiyo Champions League oo aysan ol’olaha dambe ka qeybgali doonin.

 

Chelsea waxa ay ku dhammeysatay Premier League kaalinta shanaad laakiin waxa ay qaaday FA Cup-ka kaddib markii ay 1-0 kaga badisay Mancehster United, koox uu soo matalay Blanc.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here