Casho sharaf uu Madaxweynaha Ugandha u sameeyay Madaxdii ka qeybgashay Caleemasaarkiisa

0
124

Madaxweynaha Ugandha Yuweri Museveni oo maanta xaflad ka dhacday magaalada Kampala mar kale loo caleema saaray xilka madaxweynaha ayaa casho u sameeyay Madaxda Casuumada loo fidiyay.

Museveni ayaa caleemasaarkiisa ku marti galiyay Madaxweynayaal aad u farabadan iyo Masuuliyiin kale oo matalaayay Madaxweynayaasha kale ee Africa ee aan xaflada imaan.

Museveni ayaa Casho Sharaf u sameeyay Madaxdaasi oo iska wareysanaayay xaalada dalalka ay ka taliyaan.

Cashada uu Museveni u sameeyay madaxdaasi ayaa waxaa lagu dul falanqeeyay Siyaasada iyadoo Madaxdaasi ay u mabruukeeyen Museveni guushii uu ka gaaray doorashada.

Madaxda ka qeybgashay casho sharaftaan ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, madaxweynaha Tanzania John Magufuli, madaxweynaha Koonfurta Sudan, Salva Kiir, madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma iyo Madaxweynaha Niger Maxamed Mahamadou Issa Yofouf.









LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here