Cali Xoor-Xoor Iyo Wasiir Xirsi oo Dubai U Socdaalay Sidii Ay U Warayjin Lahayeen Marsada Dekada Berbera

0
209

Hargeisa(SDN)Iyadoo mudooyinkii u dambeeyey siweyn loo haddal hayey wareejinta Dekada Berbera ayaa waxa maalintii shalay ahayd dalka ka anbabaxay wafti wasiiro ah oo uu hoggaaminayo wasiirka madaxtooyada Somaliland Iyo Maareeyaha Dekada Berbera ,kuwaas oo u socdaalay dalk imaaraadka Carabta halkaas oo ay shirkadii lagu wareejin lahaa Dekada Berbera Hashiis Ku soo kala saxeexanayaan,haddaba wasiir xirsi oo faah-faahinaya arimaha uu daaranyahay socdaalkoodu yaa ku

bilaabay haddalkiisa sida tan.

 

Ujeedada socdaalkay aga ayaa daaran in aan wada hadal iyo qiimayn ku soo samayno shirkad danaynaysa in ay Maalgashato dekeda Berbera oo Magaceeda la yidhaa‪Dubai_World

Waxaan Maanta kasoo amba baxay Caasimada Somaliland ee Hargeysa aniga oo ku sii jeeda Dalka isutaga Imaaraadka Carabta ‘UAE” gaar ahaan Dubai

Safarkan oo ayey igu wehelin doonaan Masuuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Hawlaha Guud , Gadiidka iyo Guryeynta Mud, A/razaq Khaliif Axmed , Wasiirka Ganacsiga iyo Maaligashiga Mud. Muuse Qaasim Cumar iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Maxamed Xoorxoor

Ujeedada socdaalkayaga ayaa noqon doona in aan wada hadal iyo qiimayn ku soo samayno shirkad danaynaysa in ay maalgashato dekeda Berbera magaceedana la yidhaa Dubai World

Waxaan rajaynayaa in wada hadalkaasi noogu soo dhamaado is-afgarad iyo is-faham sidoo kalena noqdo mid albaabka u fura maalgashi caalami ah oo dalkeena lagu sameeyo.

Waxaa hubaal ah in guud ahaan dalkeenu u baahan yahay in uu xidhiidh furfuran la yeesho dalalka jaarka iyo caalamkaba si loo helo maalgashiyo waaweeyn “Macro investment” oo wax badan ka tari kara dhinacyada shaqo abuurka iyo guud ahaanba horumarka dhinacyadiisa kala duwan

Shacabka Somaliland ee jecel horumarka iyo horusocodka waxaan uugu bushaaraynayaa in talaabadani ay bilow u noqon karto Somaliland cusub oo caalamka la socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here