Cali Guray Oo DAAHIR RIYAALE Ka Saamaxay Calool Xumo Uu Ugu Hayay Burburintii UDUB.

0
208

Hargeisa(SDN) Gudomiye xigeenka Sadexaad ee xisbiga UCID Cali Yuusuf mr Cali Guray oo kamid ah Jaamhiirtii UDUBtii burburtay ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir riyaale Kaahin ka Cafiyay una ka saamaxay Calool xumo iyo xajiin uu hayay oo ahayd In daahir Si badheedh ah u burburiyay Xisbigaasi UDUB.

 

 

 

 

Cali guray waxa uu sheegay in RIYAALE Qirtay in UDUB u burburtay damacii Warancadde isna uu waxba ka qaban wayay.

 

 

Sidaasina waxa uu Muj Cali ku sheegay shabakada somalilandtomorrow.com-na kasoo xigatay boga Xiriirka Bulshada Facebook ee masuulkani

 

 

 

 

”Madaxwaynihii hore caloosha wax baan ugu hayay laakiin qiraalku waa sed. Burburkii UDUB welgaa waad ka saamixi ismaan lahyn waayo waxa ogaa UDUB in la baadbaadin karayay hadii ay isaga ka go’naan lahayd in uu badbaadiyo ama ogolaan lahaa in aanu badbaadino. UDUB wuxu ku burburay markuu labadaa midna ogolaan waayay. Lakiin maanta Waan u sed buriyay waanan saamaxay markii uu qiray Damicii Cali Warancade ee burburiyay UDUB ee weliba nacas nimadiisa uu ku faano markii UDUB burburay isna wasiir ka helay Axmed Silanyo”

 

 

 

 

 

Dhawaaqan Muj Guray ayaa kusoo beegmaya Kadib markii Ex. Md daahir riyaale kaahin maanta kusoo laabtay somaliland isla markaana uu sheegay in uu Madaxdii xisbigaasi UDUB Raali gelin ka siinayo burburkii xisbiga UDUB Oo ay sabab uhayd kadib markii gacanta ugeliyay Cali Warancadde.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here