Cajiib Madaxwayne Caan Ah Oo Aroos Wadareed U Sameeyey Ciidankiisa

0
1151

Hargeysa(SDN)Madaxweynaha Syria Bishar Al-Asad ayaa aroos wadareed u dhigay boqolaal Askari oo ku dhaawacmay dagaalka ay dowladdiisa kula jirto xoogaga ka soo hor jeeda dowladiisa ee sanadihii la soo dhaafay ka dhacay wadankaas.

 

Munaasibaddan ayaa lagu qabtay Magaalada Latakiya ee dalka Syria, halkaasoo Askarta aroosayay ay xirnaayeen Tuutaha dagaalka halka Gabdhaha loo xiray Taaj ka sameysan Caddaan iyo Calanka dalka Syria.

 

Dadka ka hadlay Munaasabaddan ayaa ujeedada arintan ku sheegay in shacabka dalkaas iyo Carruurtooda la jecleysiiyo dalkooda, askartii naftooda u hurayna loo abaal gudo.

 

Sanadkii 2013kii ayay aheyd markii madaxweynaha Syria Bishar Al-Asad uu aroos wadareed u dhigay 15 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here