Cagaf Burburineysa Oo Maanta La Galiyey Maktabadii Gaandi Ee Hargeysa

0
205

Hargeysa(SDN)Xukuumadda Siilaanyo ayaa maanta galinkii danbe cagta marisay maktabadii kaliga ahayd ee Gaandi ee ku taalay magaalada Hargeysa, bugcadan oo wararku ay sheegayaan in la siiyay ganacsade ayaa muran xoogani ka taagnaa tan iyo sanadkii ina soo dhaafay, waxna arinta maktabadani aad uga qayliyay, dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Hargeysa, waxna aakhrkii ay xukuumadda Siilaanyo oo sii dhacaysaa ay dalka ka wadaa boob iyo xoolo uruursi, iyada oo iibinaysa ama xaraashaysa hantidii qaranka.

Waxa Siilaanyo iyo qoyskiisa u qorshaysan 10-ka bilood ee fooda inagu soo haya in ay xaraashto oo iibiso guryo iyo dhulal ay dawladu leedahay oo kun kor u dhaafaaya, waxana la filyaa in maalmaha soo socda arimahani laga mudaharaado, waxaana dadweynaha la gudboon in ay arintani ka dhiidhiyaan oo aan laga yeelin in goobtii laga burburiyay Maktabada aan laga dhigin goob ganacsi oo dad gaar ahi leeyihiin.

Gandi1 Gandi2

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here