CADAMI Oo Ceerigaabo Ku Gabanaya + Wefti Wasiiro PUNTLAND Ka Socda Oo Badhan Soo Gaadhay

0
223

Ceerigaabo(SDN) Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland C/Jamaal Cismaan Maxamed iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaraddiisa Maxamed C/qaadir ayaa waxay ku sugan yihiin Magaalada Badhan ee Sanaag-bari halkaasoo sida ay sheegeen hawlaha maammul fidinta Puntland oo ay ka mid tahay guri ay yeelan doonto wasaaraddaasi oo laga dhisayo magaalada Badhan iyo weliba dardargelinta dhismaha waddada laamiga ee isku xidhi doonta magaalada Ceerigaabo iyo Ceeldaahir. Waxayna Weftigan Wasiirka Puntland halkaas Kulanno kula yeesheen bulshada qaybeheeda kala duwan

 

 

Dhinaca kalena Waxa beryahanba gudaha magaalada Ceerigaabo ku sugnaa Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed X. Cali “Cadami” oo kazoo jeeda degaannada sanaag-bari ee had iyo jeer ay gaalaa-baxaan weftiyada kasocda maammul goboleedka soomaaliyeed ee Puntland.

 

 

Waxana Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland C/Jamaal Cismaan Maxamed hadal sarbeeban uu ula jeedo Wasiir-Cadami isagoo warbaahinta u marinaya wuxu yidhi “Gobolladan inbadan waxa ka dhaca muranno iyo isqabsi iyo qolyo maammulka gobllada waqooyiga ka jira oo hadba soo gala oo kusoo noqnoqda gobolladan Haylaan iyo Sanaag iyagoo si magac u yaal ah Pronoun u sheegta waxan leeyahay waan uga digayaa arrintaas”. Isagoo intaas kusii daray “Hadda ka hor doorashadii dawladaha hoose ee maammulka gobollada woqooyi qabanayeen 28/11/2012-kii wax doorasho ahi kama dhicin bariga Sanaag ama Sanaag iyo Haylaan Somaliyana dawlad bay leedahay walaalaha woqooyina dawladdaas ayay kamid yihiin”.

 

Sikastaba ha ahaatee arrintan weftiyada iyo hanjabaadahan kazoo cusboonaaday Puntland ayaa ah mid aan laga filayn wax jawaab la taaban karo oo uu ka bixin doono Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland ee degaankiisii arrimahani ka socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here