Cabsi Weyn Oo Ka Soo Cusboonaatay Deegaanka Labada Ciidan Isku Hor Fadhiyaan TUKA-RAQ

0
1526

Tuka-raq(SDN)Cabsi weyn ayaa ka soo cusboonaatay deegaanka tuka-raq oo ay isku hor fadhiyaan ciidanka Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland halkaasi oo dadka deegaanka ku dhaqan ay sheegayaan in maanta galinkii danbe ay maqlayeen rasaas teel teel ah oo dhacaysa kuwaasi oo sheegay in caawa ay ka cabsi qabaan dagaal mar kale ka cusboonaada deegaankaasi.

 

Geesta kale labada ciidan ayaa maalmihii u danbeeyey si weyn sikugu hor fadhiyey deegaanka Tuka-raq kuwaasi oo dhankaastaaba ay ku jireen abaabulo kala duwan waxa xusid mudan in xaalka deegaankaasi uu ahaa mid nabdoon oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Jamuuriyada Somaliland.

 

Wixii warar ah ee ka soo cusboonaada halkan kala soco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here