Cabdi Nuure-Siyaad oo sheegay in Ciidamada Dowlada ay magaalada Guriceel ka wadaan xasuuq ba’an

0
174

Siyaasiga Cabdi-Nuure Siyaad oo kamid ahaa Siyaasiyiintii dhawaan lagu weeraray Magaalada Muqdisho kuna sugan Magaalada Guriceel, ayaa sheegay in dagaalada ay Ciidamada Dowladu kawadaan Guriceel uu yahay mid Xasuuq ah.

Cabdi-Nuure Siyaad waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu beeninaayo wararka la xiriira inuu Guriceel kawado Dagaal, waxa uuna Tilmaamay in halkaasi uu ku yahay Deegaan islamarkaana Muqdisho uu uga cararay Amaan darida kataan.

Waxa uu sheegay inuu guri ka dagan yahay Guriceel islamarkaana kamid yahay dadka shacabka ah ee halkaasi ku nool, taasina aysan ka turjumeynin inuu yahay shaqsi halkaasi u jooga ka qeybqaadashada dagaalada.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu Dowlada ugu baaqay inay joojiso falalka ay kawado gudaha iyo daafaha Magaalada Guriceel, waxa uuna carabka ku dhuftay in dhibaatadaasi oo idil ay waxyeelo adag kasoo gaartay dad shacab ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here