C/Wali Gaas Oo Diiday Dalab Kaga Yimid QM Oo Ku Aadan Xiisada Tukaraq((Go’aan Cajiib Uu Gaadhay))

0
941

Garoowe(SDN)Sida ay illo xog ogaal ah u sheegeen radio lugo badan madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa diiday baaq kaga yimid Qaramada Midoobay oo ku aadan in wada hadal iyo waan waan lagu dhammeeyo Xiisada ka taagan Gobolka Sool gaar ahaan deegaanka Tukaraq oo ay ku dagaalamayaan Ciidankiisa iyo Ciidamada Somaliland.

 

Warqad qoraal ah oo C/wali Gaas lagaga dalbanayo inuu ogolaado wada hadal toos ah oo dhexmara isaga iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayuu ka jawaabi kari waayay Mr.Gaas,wuxuuna ku adkeystay in Puntland awood u leedahay iney xoog ku soo ceshato dhulka kaga maqan gacanta Somaliland.

 

Sidada wararka aan ku helnay Qaramada Midoobay ayaa dooneysa iney Heshiis KMG ah dhex dhigto Labada Maamul oo ay garwadeyn ka yihiin Madaxweynayaasha C/wali Gaas iyo Muuse Biixi,iyadoo wejiga hore ee Heshiiskaasi uu fashilmay ka dib markii C/wali Gaas laga dhaadhicin waayay.

 

Sidoo kale,Horay waxaa u fashilmay Heshiis KMG ah oo mudo saddex bilood dhex dhigtay Puntland iyo Somaliland Dowladda Mareynkanka,kaasi oo habeenkii Heshiiska uu dhacay Subaxdeedii Puntland dagaalka kula kalahday deegaanka Tukaraq oo ay ku sugnaayeen Ciidanka Somaliland.

 

Madaxda ugu sareysa Labada Maamul ayaa hadalo kul kulul isku marinaya Warbaahinta,Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq ka soo saartay dagaalka ayaa ku baaqday in si sharuud la’aan ah dagaalka loo joojiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here