Buundada Ugu Dheer Caalamka Ee Ka Sameysan Muraayad Oo Laga Furay Shiinaha

0
164

Sanad walba caalamka waxaa ku soo kordha waxyaabo la yaab leh oo ay bani’aadamka sameeyaan waxaana maanta laga daah rogay buundo ka sameysan dhalo oo la isaga kala gudbo labo buur oo ku taal dalka Shiinaha.

BUNDO DHALO (1)

Buundadan oo lagu tilmaamay inay tahay tii ugu dheereed isla markaana ugu jooga dheer marka la fiiriyo inta ay u jirto dhulka ayaa waxaa la isaga kala gudbi karaa buuraha Zhangjiajie ee gobolka Hunan bartamaha dalka Shiinaha.

BUNDO DHALO (2)

Waxaa loo oggolyahay oo kaliya inay maalin walba soo booqdaan buundadan illaa siddeed kun oo ruux, iyadoo kumanaan ruux ay is diiwaangeliyeen inay booqanayaan buundadan.

Buundadan ayaa dhererkeedu yahay 430 mitir halka ay dhulka u jirto joog dhan 300 Mitir, hase yeeshee ballaca buundada ayaa ah lix mitir balse dhammaan halka lugahaaga ay ku dul soconayaan ayaa ah dhalo. Qarashka dhismaha ee buundadan ayaa la sheegay in uu gaarayo $3.4m (£2.6m).

BUNDO DHALO (3)

Sida laga soo xigtey wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhua illaa 800 oo ruux ayaa loo oggolyahay in ay ka gudbaan. Balse buundadan ayaan ahayn mid loogu talogalay inay gaadiidka maraan balse waxa ay tahay mid loo dhisay dalxiis iyo tamashlayn.

BUNDO DHALO (5)

Xilligii uu dhismuhu socday ayay injineeradii dhisayay waxa ay u oggolaadeen dadka inay soo qaataan burus ama dube kuna garaacaan buundada salkeeda balse ma dhicin in dillaac yar xitaa laga dareemo dhalada ama quruuraxa laga sameeyay buundadan.

BUNDO DHALO (4)

Dadka dalxiisaya ayaa waxa ay bixinayaan lacag u dhiganta labaatan dollarka maraykanka ama 138 lacagta dalka Shiinaha laga isticmaalo ee Yuan.

 

 

 

BUNDO DHALO (8)

BUNDO DHALO (10)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here