Burburka lixaadka leh ee uu geystay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

0
126
Somali soldiers walk through the wreckage after a car bomb that targeted a police station in the Waberi neighborhood, where President Hassan Sheikh Mohamud was visiting a university, in the capital Mogadishu, Somalia Saturday, Nov. 26, 2016. A Somali police official says a car bomb has exploded near a police station in a busy market in the Somali capital, killing a number of people and wounding others. (AP Photo/Farah Abdi Warsameh)

In ka badan toban ruux ayaa ku geeriyooday, Tiro 30 ka badanna way ku dhaawacmeen, ka dib qarax Baabuur oo maanta ka dhacay Suuqa beerta ee degmada Waaberi oo ku dhaw waddo laga galo garoonka Dayuuradaha Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo illaa hadda aysan cadeyn bartilmameedkiisa ayaa burbur xoogan gaarsiiyey Suuqa oo xiligaas mashquul ahaa, waxaana sidoo kale qaraxan waxyeelo xoogan ay ka soo gaartay gaadiid kale oo xiligaas marayey wadada Via Liberia ee dhex marta suuqaas.

 
Ciidamada nabad sugida Qaranka ayaa sheegay iney la wareegeen garaashki laga soo abaabulay gaarigan waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo ku qarxay Suuqa beerta.

Ninkii Suuqa dhigay gaarigan ayaa ciidamada dowladu ku qabteen meel aan wax badan ka fogeyn halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana haatan la weydiinayaa su’aalo, mana jirto illaa hadda cid sheegatay masuuliyada weerarkan.








LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here