Brack Obama oo Booqday Ubaxyana dhigay Tiyaatarkii dadka badan lagu laayay ee Paris

0
63

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Brack Obama oo kusugan Magaalada Paris ee Caasimada Dalka Faransiiska ayaa booqasho waxa uu ku tagay goobihii ay dhawaan ka dhaceen Weeraradii dadka badan lagu laayay.

Obama ayaa tagay ubaxna dhigay Tayaatarka Bataclan ee Magaalada Paris halkaas oo mar qura lagu dilay dad gaarayay 89-qof , waxaana xiliga goobtaasi la weerarayay kasocday Bandhig heeso ay dhigayeen Kooxo Fanaaniin ah.

Booqashada uu Madaxweynaha Mareykanka ku tagay goobihii ay Weerarada ka dhaceen waxaa ku wehliyay Madaxweynaha Dalka Faransiiska Francois Hollande iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Dowlada Faransiiska.

Amaanka goobaha uu booqanayay Madaxweynaha Mareykanka ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana goobahaasi xiray Ciidamada amaanka intii ay socotay booqashada uu Madaxweyne Obama ku tagay goobihii ay weerareen kooxo katirsan Daacish.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa u balan qaaday Dowlada Faransiiska in Dowladiisa ay gacan buuxda ka siineyso la dagaalanka Kooxaha argagaxisada ah gaar ahaan Kooxda Daacish oo iyadu ka dambeysay Weeraradii ka dhacay Paris





LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here