“Boqolkiiba Boqol Ayaanu Taageersanahay Kornayl Caarre” Mustafe Martin Oo Taaageero U Muujiyay Caare

0
138

Mustafe Martin Madaxwaynaha Maamulka dibad Wareega ah  ee United Somaliland   oo Waraysi Xiiso leh uu la yeeshay Wariye Cali Xaraare ayaa ka hadlay Arimo kala duwan, Wuxuuna ugu horayn ka warbixiyey wuxuu Muddo Afar Bilood ah Warbaahinta uga Maqnaa.

Mustafe Wuxuu si gaar ah uga hadlay Safarkii uu ku tagay deegaanada Puntland  iyo kulamadii uu la yeeshay Madaxwaynaha Puntland C.wali gaas iyo heshiisyadii ka dhanka ahaa Maamulka Somaliland ee ay wada gaadheen.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay  Xidhiidhka kala dhexeeya Kornayl Caarre, Wuxuuna sheegay inuu dhowr jeer la xidhiidhay, Isagoona shacabka Somaliland ugu Baaqay inay taageeraan  “Boqolkiiba Boqol ayaanu taageersanahay Kornayl Caarre, Halganka Qof Qudha laguma Halayn karo, Wuxuu u baahan yahay dad badan oo ka Qayb gala ” Ayuu ydihi.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay Shirkii Gacan Libaax ay ku Qabsadeen beesha Garxajis iyo Khilaaf soo kala dhex galay Beeshaasi, iyo wuxuu ku diiday go’aanadii Wakhtigaasi kasoo baxay Shirkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here