BOQOL JIRRADII CAASHAQU BIYO DHIGAY !!!

0
245

BOQOL JIRRADII CAASHAQU BIY.O DHIGAY
-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘-‘
Dareenka Jacaylku Waa Deeq ilaahay Bixiyo, waa Hantida ugu qiimaha badan ee ilaahay hadyad ahaan u siiyo adoomihiisa, jacaylka waxaa ku waara labo kasta oo si dhaba iskaga raali noqda, jacaylku waa furaha guusha, waana farxada nolosha. Bal u fiirso lamaanan gaboobay ee mudo ku dhow boqol sanadood ku wada noolaa badweynta jacaylka dhexdeeda, ala maxaa ka nasiib badan. intee in le’eg ayayse ku wada noolaayeen farxad iyo jacayl . Waa hubaal qof kasta oo inaga mid ahi waxa uu ku riyoodaa in uu ku noolaado nolol fiican lkn macaanka nolosha waxaynu u naqaanaa maalka aduunka, ma aha saas, macaanka iyo farxada aduunku waa ta ay hantiyeen lamaanahan danyarta ahaa mudada dheer. Inkasta oo ay gaboobeen hadana dareenka jacaylkoodu wuxuu marayaa halkii ugu darnaa. waxayse ka sii jecelyihiin inay isku maalin aduunkan ka tagaan si ay isku meel u wada galaan, qabrigana iyagoo is barkan la is barbar dhigo…….dhalinyaradeena waxaan odhanlahaa indhaha ku haya nolosha dhabta ah oo ha is raac raacinina dhalanteeda iyo dhal dhalaalka aduunka. Iyagana ilaahay riyadooda inta yar ee ka dhiman ha u rumeeyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here