Booqasho Xal Maaha Cadaalad Baa Dalka Deeqda. Qaybti 1:Aad W/Q Eng: Mustafe Xaaji Faarax

0
199
MUDDO KORDHIN, KADAROO DIBI DHAL, WAABA TANOO INAGU CIREYSATA, BOOQASHO XAL MAAHA CADAALAD BAA DALKA DEEQDA. QAYBTII 1AAD…………Eng: Mustafe Xaaji Faarax Warsame (Baaldi).
‘Dantiina Maxaa ka dhigay;
Midaan diricba u kacayn;
Midaan da’iba u kordhayn;
Mid aan marna laga duwayn;
Dariiqii guul darada’.
Erayadii C/laahi Cabdi Shube.
Iyadoo aynu lawada socono in Mudadii doorashada uu wakhti yari ka hadhsanyahay, iyadoo aynu dareensanahay duruufaha ku gedaaman in wakhtigeeda doorasho ku dhacdo. Marka loo eego sansaanka iyo wejiga laga dheehan karo diyaar garowga liita ee xukuumadu ka muujisay iyo qaabka loo maareeyey hawlihii doorashadu u baahnayd oo gaabis wayni galay haday tahay gudida doorashooyinka oo wakhti danbe la magacaabay iyo arimaha kale ee la xidhiidha doorashooyinka oo aan la isku haleyn Karin.
Dockastoo laga eego,
Nolashaa dunidoo idili waa dabkee,
Dabkii hadduu dhaxamooda,
Maxaa lagu diiriyaa,
Waa tilmaan la daahoo,
Deg deg kuma haboonee,
Adoo degan I deeqsii.
Taasoo Jawaabtiina noqotay.
Haddii ruuxii la doortaa,
Derajada lasaariyo xilkiisa daryeeli waayaa,
Caddaaladiina ay dayowdo,
Dabkaa dhaxamooday weeyee.
Waxaynu lawada soconaa in Xukuumadu ay ilaa haatan tahli kari waydey inay soo gaadhsiiso waxay ugu yeedhay diiwaan gelinta Madaniga ah oo ay Gobolada Galbeed ka dhamaan la’adahay, iyadoo xukuumadu uga dhigtahay diwaan gelinta madaniga ah inay tahay shay lagama maarmaan u ah codeeyaha. Hadaba mawaxaynu nidhaahnaa awelba xukuumadu waxay diiwaan gelinta madaniga uga gol lahayd inay kadhigato cimri dherer, mise waxaynu kazoo qaadnaa siday ku doodayso inay tahay arin lagama maarmaan u ah doorashada oo lagu kala saarayo ajaanibka iyo muwaadinka Somalilander ka ah iyadoo aan xuduudihii wadanku wada sugnayn oo aynu ognahay in Xitaa Degmada Buuhoodle oo ka tirsan Gobolka Togdheer aanay ilaa haatan xukuumado Saamayn toos ah ku lahayn ee ay tahay Bar madow oo ka dhex bidhaamaysa Dalka, sidoo kalena aan xuduuda bari ee dalka la odhan Karin waa lawada sugay oo Gobolka Sanaag qaybtiisa Bariyaad aad moodo meel xidhan (uncontrolled Vaccuum Area) oo aan cidina maamulin Puntlandna ay saamayn weyn ku leedahay faro gelin joogta ahna ku hayso.
Iyadoo ay waxaasi oo dhami jiraan oo wadanka Xuduudihiisu aanay sidii la rabay u sugnayn oo sidii la doono ay usoo galaan dadka bilaa sharciga ah ee kazoo qulqulaya Ethiopia ee buux dhaafiyey Magaalooyinka dadlkoo idil iyagoo keena dhaqano xun xun oo ku cusub wadanka haday tahay Tuugo, Dawarsi, Sixir, Nadaafad xumo ay meelkasta kudaafad ka dhigayaan. Hadaba arigtidayda ma ku haboonayd intaan diiwaan gelin Madani ah la samayn in Wadanka laga saaro dadkaas sharci darada ku joogaa oo ugu yaraan haday Visas kusoo geli lahaayeen ay wadanka Dakhli badan uga soo xeroon lahaa oo wax katara Baahiyaha guud ee Qaranka. Iyadoo aynu ogsoonahay haday wadanka kusii sugnaadaan inay Umada ku dhex milmayaan oo aan laga sooci karayn waayo haddii jiilka yimi jiil cusub ku dhalo kuwaasina qaar kale sii dhalaan suurto geli mayso in wadanka laga sheegto waxayna noqonayaan qaar ku dhex qasma qabaailka iyo degaamada dalka sida haatan dhacday oo kadibna xuquuq ku yeesha wadanka, haddii wadanku aqoonsi helona suurto gal noqon mayso in laga saaro waayo waxaa ku qabanaysa shuruucda Caalamiga ah ee qaxoontiga iyo Dadka soo barokacay.
Waxaynu sidoo kale lawada soconaa in Oromadu ay dhowaan Caaqil samaysatay oo aan dawladu wax talaabo ah ka qaadin, waxaase iswaydiintu tahay Wasaarada Arimaha Guduhu ma siin doonta Sharciga Caaqilnimada ee ay iyadu bixiso, wax walba ka yaab waynu eegi doonaa.
Hadaba hadaan ka hadlo muddo kordhinta ifafaaleheedu muuqdo ee saxaafada iyo Xisbiyada Mucaaradkuba ka qayliyeen, Waxay dhibaato ku tahay in is bedel yimaado, waxay dhibaato ku tahay Xuquuqda Aasaasiga ah ee Muwaadinka hadduu yahay siyaasi iyo hadduu yahay mid aan siyaasi ahaynba, waxay dhibaato ku tahay dadka ay aafaysey cadaalad xumada dhinac walba leh haday tahay Saami Qaybsiga dawlada iyo Qandaraasyada, Shaqada ee doonaya inay fartooda ku ciil baxaan oo aan mar danbe Hees Walwaaleed lagu hodin.
Waxay Muddo kordhintu waxyeelo kutahay habdhiska dawladnimo iyo Sumcada qaranka Caalamkana haddii xukuumadi noqoto sida tan manta jirta waxaa lagu qasbaa inay qabato doorasho wakhtigeedii laga soo hormariyey yaase bal tan qasbaya ileyn Baarlamaankii waatii la yidhi Sankooda ayaa Caano laga keenee.
Ayaxoow ayaxow ayda waad dhilataa eelna waad ka tagtaa, Waxaa umadii ku habsaday qawlaysato waxkasta isku koobay oo marka lala hadlona odhanaya bal eeg Wasaaradaha la dhisay bal eeg waxan iyo waxan iyagoo ku gadaya cadaalad xumada dhan walba leh haday tahay saami qaybsiga Xukuumada  iyo haday tahay Qandaraasyada iyo dheefaha guud ahaan dawlidnimo lagu helo sida kuwa shidaalka oo aad lawada socotaan heerka musuq maasuq ee ay ku tilmaameen gudida dabagalka iyo ilaalinta Hantida qaranku warbixintoodii ugu danbaysey, waxaynu lawada soconaa in aanay Dawlada qorshahaba ugu jiran inay wax u qabato wixii aan qayladooda madaxtooyada laga maqlin ee aan iyaga dhibaatadoodu markiiba soo gaadheyn, Gobolada wadanku intooda badan ma helaan saamigii horuu marineed ee loo baahnaa, waad arkaysaa waanad dareemaysaa ninkii arkay baa arkay dayaca iyo baylahda ka muuqata kaabayaaashii dhaqalaaha iyo xafiisyadii dawlada gobolada bari laakiin waxaad moodaa halkaanu cadaalad ka heli lahayn, halkaanu dareenkayaga muujin lahayn, halkaanu xaqa naga maqan u raadsan lahayn in maalin kasta wax qabad naloo ka dhigo Booqoshada Madaxweynaha iyo Wasiiradiisa oo intay Hudheel kusii degaan aanu waxoogaa yaacyaac samayno kadibna aanu intaas beryo kuyara Mashquullo waana arin ku haboon in umado ay ka waantowdo oo aan lagu hodin booqasho iyo beer laxawsi danbe ee ay yidhaahdaan Sheekhow waxaad fashayba fashaye ina kala kexeee…………………… lasoco qaybaha danbe oo xanbaarsan waxyaalo xiiso badan oo dadku mooganyahay.
 
ALLAA MAHAD LEH.
ENG: Mustafe Haji Farah Warsame.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here