Booliiska Jarmalka oo Howlgalo dad gaar ah lagu baadi goobayay ka sameeyay Gobolo badan

0
194

Ciidamada booliiska dalka Jarmalka ayaa magaalooyinka waa weyn ee dalkaas waxa ay ka bilaabeen howlgal gaar ah ay ku baadi goobayaan xubno la tuhmayo in ay katirsan yihiin ama xariir la leeyihiin Kooxda Daacish.

Guryo badan, Masaajidyo iyo xafiisyo ayey si gaar ah baaritaano uga sameeyeen ciidamada booliiska Jarmalka, waxa ayna si gaar ah baaritaanada ugu sameenayaan xaafadaha ay degan yihiin dadka Muslimiinta ah gaar ahaan kuwa ka yimid dalalka Siiriya iyo Ciraaq ee dhawaan dalkaasi galay.

 
Baaritaanada xoogooda ayaa laga sameeyay gobolada Hessen, Nordrhein-Westfalen Bayern iyo Berlin, walina lama sheegin in howlgaldaasi ciidamada booliiska ay kusoo qabteen dad lala xariiriyay Ururka Daacish.

Warbaahinta dalka Jarmalka ayaa baahiyay in gudaha Jarmalka ay joogaan ku dhawaad 10-kun oo qof oo la tuhmayo in ay aaminan yihiin fikirka kooxda Daacish, waxaana dadkaasi la sheegay in ay u badan yihiin kuwa dhawaan Jarmalk isaga dhiibay qazootnimo.




LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here