Boko Haram Oo Soo Saartay Video Cusub Oo Laga Soo Qaaday Gabdhihii Ay Ka Afduubteen Chibok

0
204

Kooxda Boko haram ee dalka Nigeria ayaa soo saartay Video cusub oo ay ku ka muuqdaan gabdhihii iskuuleyda ee laga afduubtay badan labo sano ka hor magaalada waqooyiga ku taal ee Chibok.

Nin wajigu u xiran yahay oo hubeysan gadaalna ay ka taagan yihiin haween tiradoodu lagu qiyaasay ilaa konton ayaa ka muuqda video-gan cusub.

 

Dhowr ka mid ah haweenkaas ayaa u muuqday kuwa ilmada iska tirtiraya. waxayna mid ka mid ah haysay ilmo yar.

Waxaa ka hadlaya Video-ga nin wajiga wejigu u duuban yahay oo qori ku hubeysan kaasoo sheegaya in qaar ka mid ah gabdhaha ay ay qabaan dhaawacyo halis ah iyadoo 40 la guursaday sida uu sheegay.

Koox ka mid ah labada boqol iyo sagaashanka gabdhood ay Boko haram afduubatay bishii May sanadkii 2014kii ayaa Bilowgii sanadkan ay u suurogashay inay soo baxsadaan.

Waalidinta ay ka maqan yihiin gabdhahan ayaa waxaa heysta walaac joogto ah oo ku saabsan xaalada ay ku sugan yihiin gabdhahooda iyo halka ay ku dambeyn doonaan.




LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here