Birta gabowday ee kambalka Berbera

0
311

Marka aad dhinaca koonfureed uga baxdo magaalo madaxda gobolka saaxil ee Berbera waxa dhinaca cadceed ka dhac kaa qabta bir guun ah oo halkaa ku taala.

Birtaasi marka aad aragto uma muuqato mid duug ah marka aad meel fog kasoo eegto oo waxaabad moodda in ay shaqaynayso haddana waa birtaa duugga ah ee meesha ku miridhay kuna daxalaysatay. Birta aan ka hadlayo ila garate oo waa wershaddii sibidhka ee Berbera.

Wershaddaasi sida aynu wada ogsoonahay waa wershad hawl gab noqotay muddo dheer ka hor. Wershaddaasi waxa ay wayday cid hawlgabkaa uga hiilisa oo dib u kicisa si ay dadkeeda iyo bulshadeeda ugu adeegto.

Warashadda waxa ku hareeraysan buuro sibidh ah. Haddii ay wershadaasi heli lahayd daryeel iyo dib u dhis waxa ay innagaga filnaan lahayd shaqaalaysiinta dad badan oo ka hawl gali lahaa. Waxa kale oo ay innaga filnaan lahayd sibidhka aynu dibadda kalasoo dagno oo immika Ethiopia innooga yimaadda, qaabka uu sibidhku Ethiopia uga yimaadaa waa qaab aan cidina ku faaiidi Karin Somaliland ahaan.

Gaadhiga kasoo qaada warshadda sibidhka soo saarta ee ku taala Ethopia ayaa keena bakhaaradeena sibidhka iibiya taasi oo meesha ka saartay dad badan oo ka macaashi lahaa gudbinta sibidhkaasi. Mar aan dhawaan safar ku tagay Gobolka Togdheer ayaa annaga oo baabuurka saaran aan rakaabka nala socday ka raadiyay qof aan wax ka waydiin karo bal warshadda sibidhka Berbera waxa aan helay nin ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland oo ii sheegay in warshaddaasi la aasaasay waqtigii dawladdii Siyaad Barre ahaydna warshad sibidh oo loogu talo galay inay soo saarto sibidh ku filnaada dal waynihii Somaliya oo dhan waliba ay waddamada deriska u dhoofiso sibidhka.

Gabadh ka tirsanayd rakaabka ayaa iyaduna nagula soo biirtay sheekada warshaddaasi intii aanu baabuurka saarnayn waxa aanay nagu biirisay iyadoo aad uga xun in qalabkii ay warshaddaasi ku shaqayn jirtay qaybo ka mid ah laga iibiyay dawladda Ethiopia waqtiyadii qalalaasaha iyo dagaaladu ay ka socdeen deegaannada Somaliland. Warshadda sibidhka ee Berbera in baahi wayn loo qabo dhammaan dadku way wada qirsanyihiin oo qof waliba waxa uu odhanayaa haddii warshaddaasi fadhiga ka kici lahayd wax badan baa hagaagi lahaa oo dad badan baa shaqo ka heli lahaa waliba waxa lagaga raysan lahaa sibidhka innooga yimaadda dibadda, laakiin dadku kuma midaysna qaabka warshaddaasi loo kicin karo ama loo shaqo galin karo. Isku dayo badan baa jiray oo warshaddaasi lagu kicin lahaa lakiin may suurto galin sababo badan aawadood.

Dadka qaar waxa ay yidhaahdaan dawladda ayaa hor taagan in warshaddaasi shaqayso, qaar kale iyaguna waxa ay yidhaahdaan ganacsato ayaa hor taagan hawl galidda warshaddaasi halka kuwo kale ay qabaan in dadka deegaankaasi ay hor taaganyihiin shaqo galidda warshaddaasi. Iskusoo wada duuduuboo warshaddaasi oo la hawl galiyaa waxa ay horumar iyo badhaadhe gaadhsiin kartaa guud ahaan dalka. Qalinkii Cabdifataax Yuusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here