Bilyuneer Carbeed oo qorsheenaya in Jaziirad kutaala Yurub u iibiyo dadka Muhaajiriinta ah !!

0
239

Nin Bilyuneer ah oo u dhashay Dalka Masar laguna magacaabo Najiib Sawiras , ayaa dalalka Gariiga iyo Talyaaniga ka codsaday in ay ka iibiyaan Jaziirad , si uu u dajiyo uguna noolaadaan Qaxootiga ka cararaya goobaha ay dagaaladu ka jiraan sida Siiriya.

Najiib Sawiras oo la tilmaamo in uu yahay ninka ugu lacagta badan Dalka Masar sidoo kale safka hore kasoo galaya dadka ugu hantida badan Caalamka, ayaa u adkeesan waayay dhibaatada ay la kulmayaan qaxootiga ka cararaya Colaada Siiriya.

Waxa uu sheegay ninkan in tilaabadan ay tahay mid aad u dagan balse uu doonayo in ay u rumowdo si ay ugu noolaadaan Jaziiradaasi uu qorsheenayo in uu iibiyo dadka ka caraya Dalka Siiriya,waxa uuna tibaaxay safarada ay galaan dadka Muhaajiriinta ah ay yihiin kuwa halis badan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 
Najiib Sawiras, ayaa fariin u diray Dowladaha Talyaaniga iyo Giriiga oo ku aadan in ay ka iibiyaan Jaziirada dalkooda ku taala,waxa uuna xusay in iibka Jaziirada ay ku kaceyso lacag u dhaxeysa 10 ilaa 100 Milyan oo Dollar lacagtaasina ay tahay mid uu heesto uuna bixin karo.

Hantiilahan Carbeed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay sida loola dhaqmo dadka Muhajaitiinta ee Yurub u tahriibaya, waxa uuna sheegay in qaab ka baxsadn Bini’aadanimada loola dhaqmo Muhaajiriinta Colaadaha ka caraya noloshana u raadsanaya Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here