Bilyineer u dhashay Shiinaha iyo 3-kun oo kamid ah shaqaalihiisa oo Dalxiis u geeyay Spain

0
179

Nin Bilyineer ah oo u dhashay dalka Shiinaha iyo 3-kun oo kamid ah Shaqaalaha Shirkad weyn uu leeyahay ayaa ka dagay magaalada Madrid ee caasimada dalka Spain, dadkan ayaana Spain u tagay dalxiis iyo tamashleyn.

Bilyinaarka u dhashay Shiinaha oo lagu magacaabo Li Jinyuan, iyo 3-kun oo kamid ah shaqaalaha Shirkadiisa Tiens Group, ayaa ka dagay garoonka Diyaaradaha magaalada Madrid, waxaana dadkan halkaasi geeyay Diyaarado kala duwan.

Dadkan Shiineeska ah oo qaar badan oo kamid ah watay dhar isku eg ayaa markii ay ka dageen garoonka Diyaaradaha waxaa aad ula yaabay shaqaalaha garoonka iyo dad kale oo halkaasi ku sugnaa .

Dalxiisayaashan u dhashay dalka Shiinaha ayaa waxaa aad uga macaashay waaxda daxiiska ee Dalka Spain ,Hoteelo iyo goobo laga cunteeyo, waxaana qarashka ku baxayay dalxiisayaashan bixinayay Ninka Hantiilaha ah ee leh shirkada ay ka shaqeenayeen.









LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here