Berberaay Oon-ka Adaa Is Baday!

0
668

Muddo sannad iyo maalmo ah ayaa laga joogaa bishii May-2017kii, wakhtigaas oo
ku astaysnaynayd markii si rasmi ah ay u dhaqan qashay digreetadii lagu af-
duubay maamulka iyo gacan ku-haynta wakaaladda biyaha berbera.

 

Digreetadan oo ah mid dhawr jeer ka sal-dhigi wayday golaha deegaanka degmada
berbera oo dareensannaa oon-ka iyo dhibka maanta taagani in uu mar uun iman
doono ayaa waxa ay hakiyeen dhegna u dhigi waayeen dhawaaqyadii isdaba
joogga ahaa ee ka soo yeedhayay hadba wasiirka xukuumadda dhexe ku sabto
maamuuska wasaaraddan maqaar-saarka ah ee loogu yeedho khayraadka biyaha.

 

waxa runtii aniga mudooyinkii u dameeyay dareen gaar ah iyo su’aalo badan I
geliyay waxa wasiir kasta oo wasaaraddan yimaadaaba isaga oo aan salka la helin
kursiga uu ugu hammiyo af-duubka biyaha berbera iyo in ay isaga gacantiisa
galaan, iyada oo aysan jirin guud ahaanba biyaha dalka wax ay gacanta ku haysaa
wasaaradaasi.
Si kastaba ha ahaatee bishii May-2017kii ayaa uu wasiirkii wakhtigaas ku
magacawnaa wasaaradani uu si rasmi ah gacanta ugu dhigay hanashada maamulka
biyaha berbera oo ula muuqatay wakhtigaas guul wayn oo uu darajo ku gadan
karo, isla markaasna uu u soo magacaabay Axmed Aden Ismaciil oo ah masuulka
haatan xejin la’ hogaanka wakaaladda, isla markaana u muuqda in uu awoodi
waayay xil-gudashadeeda.

 

Intii ka dambaysay mudadaas magaalada berberi waxa ay la kawsatay harraad
joogto ah iyo dhawaaqyo dhiilo leh oo tilmaamaya in maalinba maalinka ka
dambaysa ay dhuumihii biyaha qaadi jiray iyo ceelashii biyaha keeni jiarayba
fadhiyaan, waxa se iigu naxdin badnayd kalkii hore mar aan gaadhay magaalada oo
aan indhaha saaray booyadihii dhismaha iyo gaadhi-dameer biyaha shubaya
berberadii dhawr iyo tobanka sanno aan biyaha saydhaayay ee aanan habeen ku
ladin harraadkeeda.

 

Taas bedelkeedana waxa aynu arkaynay muddaba ilaa dhawr jeer oo ay dalxiis iyo
damaashaad dal barasho ah ay ku tegeen mas’uuliyiinta ugu tunka wayn
wasaaradani ceelasha kaydka biyaha berbera, iyaga oo sawiro qurxoon iyo
tuumbooyin biyaha tuuraya inala wadaagaya, kuna dhawaaqaya in dhawr biyo soo-
saar daaha laga qaaday, dhawr kalena la dhax dhigay, muddantii berberi lahaydna
dhinac tuban yihiin sacabadana ay u tumayaan, balse taas anuu shakhsiyan waxa
aan u arkayay marin habaabin iyo indho-sarcaad loo jilayay bulshadayda la

diifaysan kullaylka, harraadka iyo daryeel la’aanta ka haysata adeegyada nololeed
ee ay biyihu ka mid ka yihiin.

Waxa qiiro iyo qaran-jab noqotay dhawaaqa ah in la kordhiyay 50% (boqolkiiba
konton) kharashaadkii laga qaadi jiray bulshada ku nool berbera, ee ka soo
yeedhay maamulka wakaalada biyaha berbera, iyada oo aynu ognahay in aanay
bulshadaasi helin biyo ku filan wakhtigan.

 

Korodhka kharashaadkan ayay bud-dhig uga dhigeen dakhli yaraan soo food-
saartay wakaaaladda biyaha, iyada oo la ogyahay in la hayo lacag qadarkeedu
dhan (3-milyan iyo 7-kun oo dollar) oo iskugu jirta kabka dawlada dhexe iyo
lacagta ay u qoondaysay shirkadda DP-World in lagu horumariyo biyaha berbera,
sida uu xaqiijiyay xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka berbera.

 

Ugu dambayn waxa ay iila muuqataa shakhsiyan biyo la’aanta soo food-saartay
bulshada berbera ku dhaqan in ay tahay arin ka fog sida hadda loo sheegayo, oo ay
ku duugan tahay ujeedooyin gaar ah oo ay wataan shakhsiyaad gaar ahi.
waxaana la gudboon inta fikirkoodu wali fayaw yahay, hankooduna dhaafsiisan
yahay nin jeclaysiga iyo in loo kala dilaalo bulshada tabaalaysan iyo inta aan u
diir-naxayn, in ay qalin iyo qawlba ku difaacaan runta iyo aragtida saxda ah, ee
aanay qayb ka noqon baro-kicinta maatada.

Wa billaahi tawfiiq.
Dr.Abdirahman Mohamed Abdirahman
Dr.Abdirahman22@gmail.com

*********************************************************************

SuradNews Kama Masuul Aha Aragtida Akhristaha ee Ku qoran halkan ee ay soo gudbiyaan Akhristayaashu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here