Berberaay Shicib kaagaa hurdee dekedaada iyo wershadaada laydhka lama xaraasheen

0
221

Waagii Kacaanku siloonaa wax qasaayay ayaa abwaan la odhan jiray Ahmed Ismail Deria

oo ku magac dheeraa Qassim baa gabay uu Hargiesa u tiriyey waxa ka mid ahaa

Hargiesaay anaa kaa hurdee laguma haysteene

Hadaan soo hanbaabiri lahaa heec ma noqoteen

Hadaba maanta Berbera waxa ka taagan tii oo kale

Berberaay anaa kaa hurdee dekedaada iyo laydh kaaga lama xaraasheene

Waxa xaqiiqa hadii reer Berbera ganafka ku dhuftaan oo diidaan in Dekeda iyo wershada laydhka loo soo dhawaado in aan cid ku soo dhacaysaa jirin. Wasiirka arimaha dibada Mohamed Biixi Yonis shirkad Francis ah buu tuurta ku sitaa Wasiirka Madaxtooyaduna sharkad carbeed buu dhabarka ku sitaa oo mid waliba dilaal weyn oo laba million gaadhaya ayuu ka doonayaa dabeedna shaqaalaha dekeda waa laga wada caydhin doonaa oo qalab baa lagu bedeli doonaa shaqadoodii qabta. Wasiirka Saaxil ka soo jeeda Sacad Cali Shire waa naaqus aan raga nimo lahayn ee ha isku halaynina ee idinku shicib ahaan diida dulmiga wixii bulshadu lahayd ajanebi lagu wareejinayo. Weliba waxa igu maqaala Xirsi wuxuu doonayaa in Dhiigshiil iyo isaga iyo Silaanyo ay shuraake la noqdaan shirkada carbeed. Weynnu ognay in Madaxtooyadii arbush badani soo dhex galay oo in Silaanyo meeshaba iskaga cararo ayaa laga yaabaa ee haka yeelina in Dekeda iyo wershada laydhka la idinku iibsado.

Abdi_Mustafe123@yahoo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here