Beesha Warsan Gali Oo Si Buuxda U Cadaysay In Ay Muruq Iyo Maalba La Garab Joogaan Xisbiga Kulmiye

0
212

Hargeysa(SDN) Beesha Warsangali oo si buuxda maanta u cadaysay in ay si weyn u garab taagan yihiin xisbiga midnimada  iyo horumarka ee kulmiye sidaasi waxa ay ku sheegeen hadhimo sharafeed ay maanta iskugu imadeen taasi oo uu soo agaasimay Siyaasi Cali Maxamed Cali (Caliyow) oo ka qabsoontay hotel lake Assal ee magaalada hargeysa.

Image may contain: 25 people, people smiling, people standing and outdoor

 

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Cabdirisaaq Maxamed Cali Cooraaf oo ka mid ah gudiga ololaha xisbiga kulmiye ee gobolka sanaag kaasi oo ka hdlay dareenka shcbiga gobolka sanaag gaar ahaan beesha warsan gali oo gobolkaasi saamayn weyn ku leh waxaanu sheeg in maanta bulshada deegaan kaasi ku dhaqani uheelan yihiin sidii ay u heli lahayeen masuul isku wada danta dalka iyo dadkaba kaasi oo uu ku timaamay in uu yahay muj Muuse Biixi Cabdi.

 

Geesta kale waxa halkaasi ka hdlay Xildhibaan Cabdiqaaadi Jaamac Xaamud oo sheegay in masuuliyada saaran ay tahay in bulshada ay u tilmaamaan halka dantoodu ku jirto kaasi oo sheegay in dawlada kaliy ee gobolada bariga wax u qabatay ay  tahay dawlada ka dhalatay xisbiga kulmiye maantana ay  codkooda si buuxda u siin lahayeen xisbiga Midnimada iyo Horumarka ee kulmiye.

 

 

Xildhibaan Cali Barre oo isna goobta ka hadlay ayaa si weyn u taabtay qodobo muhiim ah oo taabanaya dareenka bulshada ku dhaqan deegaanada bariga Somaliland, hadaladaasi oo si weyn ugu iftiiminay halka ay taalo danta beelaha Somaliland gaar ahaan danta beeshwarsangali waxaana hadaladiisi ka mid aha(Maanta waynu kala garanaynaa cida wax inoo soo wada iyo cida kale inagu waxayu codkeena siinaynaa Xisbigaa kulmiye ee aynu arkayno wax qabadkiisa iyo sida uu inoola shaqeeyo codkeenu meel kala ma mari karo) Ayuu Yidh Xildhiban Cali Barre.

 

Geest kale waxa halkaasi ka hadlay Odayaal, Madaxdhaqameed,Aqoonyahan iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah beesha kuwaasi oo dhamaanto si isku mid ah uga hadlay muhiimada ay leedahay in beeshu maant ka garwaaqsat halka ay codkeeda siinayso sameeyaana go aan midaysan oo ay kaga soo hor jeedaan in aanu masiirka beeshu ahayn Odayaal  ku shiray meelo gaar ah.

 

Gebo Gebadii waxa halkaasi ka hadlay Cali Maxamed Cali (Caliyow) kaasi oo ka mid ah masuuliyiinta sar sare ee xisbiga kulmiye kaasi oo uga mahad celiyey dhamaan odayaasha, madaxdhaqameedka iyo masuuliyiintii kale ee ka soo qayb gashay hadhimo sharafeedkani uu u fidiyey waxgaradka beesha kaasi oo sheegay sida ay maanta beeshu u muujisay midaysnaanta in farxad weyn gali doonto dhamaan cid kasta oo jecel horumarka beesha  kana  cadhaysiin doono cid kast oo neceb horumarka beesha.

Image may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, smiling, sitting, table, indoor and foodImage may contain: one or more people, people sitting, table, crowd and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 4 peopleImage may contain: 5 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 3 people, people standingImage may contain: 5 people, people smiling, people standingImage may contain: 25 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 1 person, sitting, eating, table, indoor and foodImage may contain: 3 people, people sitting, people eating, table, indoor and food

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here