Beesha Reer Xareed/Jibriir Abokor oo Shaaciyay Shir Ay Kaga Tashanayaan Aayaha Siyaasadeed Somaliland

0
219

Gabiley(SDN)Xoghayaha Gudida Qabanqaabada Shirka Beesha Reer Xareed/Jibriir Abokor Xasan Dayib Aw Daahir Ayaa Maanta Si Toos Ah U Shaaciyay In Shir Ay Beeshaasi Kaga Tashanayaan Aayohooda Siyaasadeed ee Mustaqbalka oo Dhawaan Ka Qabsoomi Doona Tuulada Ilma-dedo oo Shan iyo Labaatan Kiiloo Mitir Waqooyi-Galbeed Kaga Toosan Magaalada Gabiley.

 

 

Beesha Reer Xareed/Jibriir Abokor ee Degta Waqooyiga iyo Galbeedka Gobolka Gabiley Ayaa Maalmihii U Danbeeyay Kulamo Gaar Gaar Ah Ku Yeelanayay Magaalooyinka Gabiley iyo Hargaysa, Iyadoo Maanta Gudida Qabanqaabaduna Warbaahinta U Qaybisay Ujeedooyinka Nuxurka Shirkaasi iyo Arimaha Keenay in Beeshu Shir U Baahato Wakhtigan iyo Arimo Kale.

 

 

Xoghayaha gudida qabanqaabada Shirkaasi oo ka warbixiyay in shirkaasi jiro oo dhawaan ka qabsoomi doono Ilma-dedo, isagoo intaa ku daray in todobaadada soo socda la cayimi doono mudada shirkaasi dhici doono iyo sidoo kale in shirkaasi noqon doono mid qiima weyn ugu fadhiya dhamaan Beelaha Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo carabka ku adkeeyay in shirkani qayb ka noqon doono tiirarka iyo seeska dhabta ah ee adkeynta Nabadda, Wada-jirka iyo Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaland iyo Wada Noolaashaha Beelaha ku dhaqan guud ahaan Somaliland.

 

 

Xoghayaha Gudida Qabanqaabada Xasan Dayib Aw Daahir oo ka waramaya ujeedooyinka Shirkan ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “Shirkan Ilma-dedo ayaa ujeedadda laga leeyahay tahay mid wajiyo badan oo beeshu kaga tashanayso aayohooda, waana shir mudan oo wakhtigan loo baahnaa oo Beeshu kaga arinsanayso doorarka kala duwan ee ay kaga jiraan geedi socodka hanaanka dimuqraadiga Jamhuuriyadda Somaliland ee Siyaasadda, dhaqaalaha, nabadgelyadda iyo wax-wada qabsiga ay beeshu la wadaagto Beelaha kale ee Jamhuuriyadda Soomaaliland oo markasta ahmiyad weyni ku jirto sidii wax loo wada-qabsan lahaa si loo gaadho hadafyada guud iyo ujeedooyinka waa weyn ee qarankan iyo sidii masabyadda ugu waaweyn la iskugu taageeri lahaa oo si kalgacal iyo laab xaadhniya la iskugu hanayn lahaa, in xukuumada talada dalka haysa loogala hadli lahaa kuraastii beeshu ku lahay iyo halka ay ku danbeeyeen, In beeshu ka wada hadasho, go,aan midaysana ka qaadato diiwaangalin Wasaarada Arimaha Guduhu dalka ka wado oo wakhtigeedii dhamaaday, deegaanada waqooyiga iyo galbeedka Gabiley oo beeshu ka mid tahay beelaha dega aanay haba yaraatee aanay diiwaangalintaasi aanay soo gaadhin, baaqa xukuumada ee in la iswaydiin doono kaadhka muwaadinka goobaha ay ka midka yihiin ganacsiga, xawaaladaha iyo shirkadaha isgaadhsiintana u sheegayaan inaanay khusaynin diiwaangalintaasi oo aan deegaanadooda lasoo gaadhsiin, ilaa inta la diiwaangalinayo beeshana shirkada ama xawaalada waydiisa kaadh, ay talaabo ka qaadi doonaan, Sidii loo gorfayn lahaa xoojinta xidhiidhka beeshu la leedahay beelaha ay wada degaan, iyo Sidii beeshu uga tashan lahayd aayaha siyaasadeed ee mustaqbalka dalka, iyo arimo kale oo aanan halkan kusoo koobi karayn.”

 

 

Shirkan Dhaqan ee Beesha Reer Xareed Ku Yeelanayaan deegaan ka tirsan gobolka Gabiley ayaa la filayaa inuu ku bilaami doono hab degan iyadoo wakhti xaadirkan aanu jirin laacdan iyo tartan siyaasadeed oo u dhaxaysa Siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee Beeshaasi.

 

 

Siyaasiyiinta Beeshaasi Kasoo Jeeda Magaca iyo Maamuuska Ku Dhex Leh Somaliland ama Xilalka Kasoo Qabtay Xukuumadihii Kala Horeeyay ee Somaliland Soo Maray Ayaa Taageeray Shirkaasi, Isla Markaana Balanqaaday Inay La Wadaagi Doonaan Beesha Xog Ka Qarsoonayd Si Beeshu Ula Gorgortanto Xukuumada oo Saamigoodii Uga Helaan Dawladan iyo Dawladaha Danbeba.

 

 

Beesha Reer Xareed/Jibriir Abokor oo Beryihii U Danbaysay Xukuumada uu Hogaamiyo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Wiiqday Kuraastii Ay Ku Lahaayeen Dawladiisa Ayaa Laga Yaabaa Inay U Digo Rogtaan Xisbiyada Mucaaradka Ah, Iyadoo Ay Jirto Dhibaatooyin Door Ah oo Beeshaasi Ka Tirsanayaan Xukuumadan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here