Been Abuur weeye Waraaqda laga qoray Guddoomiye Cirro

0
239

Hargeisa(SDN)Anigoo aan kamid ahayn Xisbiga Wadani, ahna muwaadin madax

banaan oo aan iminka xisbina ku abtirsan, markii horese ka tirsanaan

jiray xisbiga Kulmiye, waxaan maanta halkan idiinku iftiimanayaa aqoon

ahaan, qaab ahaan iyo farsamo ahaan inaanay waafaqsanayn qaabka

loo qoro waraaqaha la xidhiidha dublamaasiyada waraaqda la sheegayo

in uu qoray guddoomiye Cirro. Mana waafaqsana englishta ku qoran

waraaqdani tii dublamaasiyada oo waa mid aad u liidata luuqada ku

qorani (Poor language).

Sidaas awgeed marka aynu eegno, garashada Guddoomiye Cirro ee

dublaamisiyada oo ah xirfadiisa koowaad ahna halka uu siyaasada

kazoo galay, oo aynu odhan karno wuu uga aqoon badanyahay

madaxweyne Axmed Siilaanyo markay timaado xaga dublamaasiyada,

wuxuuna lasoo caano dhamay Mr Cirro markaynu taariikhda dib ugu

noqono laga soo bilaabo midowgii Soviet, (USSR) iyo Kan haatan jira

Natoba. Sidaas awgeed, ma aha nin ay ka khaldantahay sida loola hadlo

dawlaha ee dublamaasiyada loogu gudbiyo fariimaha siyaadeed.

Inagoo taas ka duulayna ma haboontahay inaynu garano in waraaqdani

tahay been abuur cadaan ah oo aan geedna loogu soo gaban, oo

ladoonayo in lagu dhabarjebiyo hankiisa siyaadeed, waayo

Xukuumadan jirta iyo xisbigeedu waxaad moodaa in dadku kasii

gurmayo, iyadoo aan cadayn buuxa loo hayn cida ka qortay been

abuurka hadana haddii qarax dhaco cida ugu horeysa ee lagu tuhmaa

waa Alshabaab, markaa waxaynu odhan karnaa cida xafiiltanku ka

dhexeeyaa waa Dawlada iyo xisbigeeda ee lagu tuhmi karaa wallow

tuhunku xaaraanyahay oo belooyinku iska badanyihiin ilaahay haynaga

badbaadiyee.

 

Sidaas awgeed, Waxaan si xushmadleh umada uga codsanayaa inaanay

waxyaalaha qaar iska rumaysan ee iska hubsada kana fiirsadaan

tuhunada xaaraanta taasoo ilaahay SWT inooga digay quraankiisana ku

 

sheegay in malaha qaar denbiyahay.

Ugu danbeyntii waxaan leeyahay waraaqdaas maaha mid

dublamaasiyadeed mana aha wax ka suurtowda oo uu qoray

Guddoomiye Cirro.

 

Allaa Mahad leh.

Eng: Mustafe Haji Farah Warsame,

Mustafefarah8@yahoo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here