Bas ay saarnaayeen Ciyaartoyda Kooxda Manchester United oo dhagxaan lagu weeraray

0
110

Taageerayaasha Kooxda kubada cagta ee West Ham , ayaa xalay dhagxaan waxa ay ku weerareen baskii ay saarnaayeen Ciyaartoyda Kooxda Manchester United , kahor inta aysan bilaaban ciyaar u dhaxeysay labada Kooxood.

Dhagxaan iyo dhalooyin ayaa lagu tuurayay baskii ay saarnaayeen Ciyaaroyda Manchester United , waxaana muuqaalo lasoo duubay ay muujinayaan baskii ay saarnaayeen Ciyaartoyda Manchester United oo miyaaradaha qaar laga jabiyay.

Ciidamada booliiska ayaa markii dambe kala eryay taageerayaasha kooxda West Ham , waxaana rabshadan xalay ka dhacday garoonka Kooxda Kubada cagta ee West Ham ay keentay in uu dib u dhac ku yimaado waqtigii ay labada koox wada ciyaari lahaayeen.

Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa cambaareeyay falkaas, iyagoo sidoo kale sheegay inay baaritaan ku sameynayaan dhacdadaan iyo sidoo kale walxo kale oo ay jamaahiirta martida loo ahaa ku soo dhex tuureen garoonka intii ay ciyaarta socotay.

Ciyaartii xiisaha badneed ee xalay u dhaxeysay Kooxaha Man United iyo West Ham ayaa kusoo dhamaatay 3 ool iyo 2 oo looga adkaaday kooxda Man United oo xalay rajo ka qabtay in ay soo gasho kaalinta afaraad.









LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here