Baroor-diiq ka bilaabatay Kenya iyo Shacabka Kenya oo Wali la ilmeenaya Weerarkii Gaarisa(Daawo Sawirada)

0
200

Kenya(SDN)Waxaa Maanta Dalka Kenya ka bilowday Baroor diiq Sadax maalin ah oo loo sameenayo dadkii lagu laayaya Weerarkii dhawaan Dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab ku qaadeen Jaamacada Magaalada Gaarisa.

Qeybo badan oo kamid ah Dalka Kenya ayaa maanta ka bilaabanaya baroor diiqa loo sameenayo 150-qof o u badnaa arday kuwaa oo lagu laayay Weerarkii ka dhacay Jaamacada Gaarisa , waxaana masuuliyada weerarkaasi sheegatay Al-Shabaab.

Meydadka dadkii lagu laayay Weerarkii gaarisa ayaa qaar badan oo kamid ah waxa ay wali yaalaan Isbitaalo kuyaala Magaalada Nairobi, waxa ayna sheegtay Hay’adda Laanqeynta cas ee Kenya ay in ilaa iyo hadda la aqoonsaday meydadka 54 ka mid ah dadkii weerarka ku dhintay, waxaana wali la aqoonsan oo isbitaalada yaala qaar badan oo Meydadkaasi kamid ah.

Qaar kamid ah Ehelada dadkii lagu laayay Weerarkii Gaarisa ayaa wali la murgoonaya waxii dhacay, waxaana Warbaahinta soo bandhigeen Muuqaalo muujinaya Hooyooyin iyo dad kale oo la ilmeenaya dhibkii Weerarkii Jaamacada Gaarisa kasoo gaaray eheladooda.

Shacabka iyo masuuliyiinta Dalka Kenya ayaa wali ka murgoonaya weerarka lagu laayay ardayda wax ka dhiganeysay Jaamacada Magaalada Gaarisa, weerarkan ayaana noqday kii ugu qasaaraha badnaa ee Al-Shabaab ku qaadaan gudaha Dalka Kenya.






LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here