Barcelona Oo Aduunka Kaga Yaabsatay Taariikh Aan Abid Ka Soo Dhicin Champions Leaque

0
222

Kooxda Barcelona ayaa taariikh cusub oo lama ilaawaan ah ka dhigtay tartanka kooxaha Yurub ee Champions Leaque-ga kadib markii ay ka soo kabsatay natiijo aan waligeed koox Yurub ahi ka soo kabsan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
Barcelona ayaa taariikh cusub u dhigtay kooxaha Yurub waxayna noqotay kooxdii abid ugu horaysay ee ka soo kabsatay natiijo 4:0 ah oo loogo soo badiyay kulankii lugta hore waxayna sidoo kale kaga sii dartay in iyada oo gool marti ah laga dhaliyay ay dhinaca kale u dhigtay natiijo aanu qofna rumaysan karin in ay dhacayso.

Barcelona oo looga baahnaa in ay kulankan mucjiso samayso si ay ugu soo baxdo sideed dhamaadka Champions Leaque-ga ayaa qaab ciyaareed waali ah ku bilaabtay waxayna qaybtii hore ee ciyaarta ahayd kooxda wax kasta garoonka ka samaysay. PSG oo maanka ku haysay muhiimada uu kulankani u leeyahay mustaqbalkeeda ayaa si adag difaac ugu jirtay waxayna doonayeen in ay goolal ku raadiyeen weerar deg deg ah oo Cavani loo tuuro.

 

Weerarka Sedex aflaha Bercelna ee MSN ayaa xalay dadaal badan sameeyay waxa ayna dhaliyeen 4-gool, waxaana xidigii ciyaarta xalay ahaa Naymar oo dhaliyay labo gool sidoo kale lahaa caawinta goolkii guusha uu dhaliyya daqiiqadii ugu dambeysay ciyaarta Sergi Roberto.

Ciyaaryahan Sergi Roberto ayaa noqoday ciyaartoyda taariikhda aan waligeed la ilaawi doonin Bercelona , wuxuuna dhaliyay goolka wadnaha gooyay PSG ee aduunka ku noqoday uqaadan waaga iyo mucjisada aan la rumaysan karin waxayna PSG oo u muuqtay in ay ilbiriqsi ka hor u soo baxayso Champions Leaque-ga ay markiiba ku dhaceen dhulka.

Dhanka kale kooxda Borussia Dortmund ayaa iyana 4-0 ku reebtay naadiga reer Portugal ee Benfica . Koobka horyaalada Yurub ee UEFA Champions League ayaa ilaa hada waxaa 8-da kama dambeeysta soo gaaray kooxaha kala ah Real Madrid , Fc Bayern München , Borussia Dortmund iyo Fc Barcelina






LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here