Barca Oo Raadineysa Habab Ay Kula Wareegto Ciyaaryahano Sannadkan 2015.

0
297

Barcelona ayaa darseysa labo wado oo ay uga wareegaan xayiraada ka saaran suuqa kala iibsiga taasoo u diideysa inay ciyaartoy la soo wareegaan ilaa iyo bisha Janaayo ee sannadka soo socda.

Kooxda Catalans ayaa ciqaab kala kulantay FIFA ka dib markii ay jabiyeen sharciga suuqa kala iibsiga oo ay la soo wareegeen ciyaartoy da’ yar oo ay ka keensadeen meelo ka baxsan Spain, waxaana ay haatan raadinayaan habab ay ciyaartoy kula soo wareegi karaan sannadkan 2015.

Wadada koowaad ayaa ah inay ciyaartoyda qandaraas u soo bandhigaan islamarkaana ay ku qasbaan inay sugaan ilaa iyo Janaayo 2016, taasoo aan ka duwaneyn kiiskii Luis Suarez ee xagaagii hore. Xiddiga reer Uruguay ayaa ganaax ku maqnaa muddo afar bilood ah madaama uu qaniinyo sameeyay Koobkii Adduunka taasoo la micno aheyd inuusan ciyaarin kulamo tartan rasmi ah balse uu tababar la qaadanayay kooxda.

Waxaana qorshahaan uu ka dhigayaa in Barca ay ciyaartoy la soo wareegto kuwaasoo kaliya tababar la qaata kooxda islamarkaana u ciyaara kulamada saaxiibtinimo, laakiin faa’ido darada ayaa ah inuusan waqti badan la qaadan doonin kooxda koowaad.

Wadada labaad ayaa ah inay la soo wareegaan ciyaaryahan xagaagan islamarkaana ay u ogolaadaan inuu sii joogo kooxdiisa ilaa iyo dhamaadka 2015, markaasoo xayiraada FIFA ay dhamaaneyso, islamarkaana uu awood u yeelan doono inuu u ciyaaro Barcelona qeybta labaad ee xilli ciyaareedka.

Dhanka kale madaxweynaha kooxda Josep Maria Bartomeu ayaa sugaya kulan uu la qaato wakiilo ka socda FIFA si xal loogu raadiyo arintaan inkastoo Barcelona ay xiriirka u jartay waqti xaadirkaan FIFA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here