Banaanbaxyo lagu dilay askar booliis ah oo kasocda magaalada Dallas

0
150

Magaalada Dalass gobolka Texas ee dalka Mareykanka, waxaa ka socda banaan baxyo rabshada wata oo lagu dilay askar katirsan booliiska Mareykanka, waxaana banaanbaxan uu yahay mid looga soo horjeedo toogashada ay ciidamada booliiska u geestaan dadka madowga ah .

Inta la xaqiijiyay afar askari oo katirsan booliiska Mareykanka ayaa lagu dilay magaalada Dalas kadib banaan baxyo halkaasi ka dhacay, waxaa sidoo kale banaan baxaasi lagu dhawacay tiro kale oo katirsan booliiska.

Banaan baxyadan ka socda magaalooyin dhoor ah oo kuyaala dalka Mareykanka ayaa looga soo horjeedaa dilalka toogashada ah ee maalmihii la soo dhaafay ay magaalooyinka Minnesota iyo Louisiana ay boolisku ku dileen laba nin oo madow .

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Brack Obama, ayaa si kulul u canbaareeyay banaanbaxyada askarta lagu dilay, waxa uuna sheegay in toogashada aan loo meel dayin ay geestaan booliiska ay walwal ku keeni karto dhammaan dadka Mareykanka.









LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here