Banaanbax lagu taageeraray Dagaaladii Puntland la gashay Al-Shabaab oo maanta la dhigay

0
155

Waxaa maanta magaalada Qardho ee Gobolka Bari ka dhacay banaanbax balaaran oo lagu taageerayay dagaalkii Ciidamada maamulka Pultland la galeen dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab oo dhawaan gaaray deegaano kuyaala dhulka Xeebta ee Gobolada Mudug iyo Nugaal.

Banaanbaxa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin katirsan maamulka Puntland qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Qardho, waxaana dadka banaan bxayay ay wateen boorar ay ku taageerayeen ciidamada maamulka Puntland.

Dadka dhigayay banaan baxa ayaa socod kusoo maray magaalada Qardho waxa ayna dadka markii dambe kusoo uruureen barxada wayn ee u dhaxaysa Madaxtooyada iyo xarunta Dowlada Hoose ee degmada Qardho .

Masuuliyiintii iyo dadkii kale ee ka hadlay banaanbaxa ayaa aad u guubaabiyay ciidamada maamulka Puntland oo guulo ka gaaray dagaalkii ay la galeen dagaalyahano katirsan Al-Shabaab oo kasoo dagay xeebaha Garmaal iyo Garacad.

Ciidamada Puntland ayaa dagaal dhiig badan ku daateen waxa ay deegaanka Suuj iyo deegaano kale kula galeen dagaalyahano katirsan AL-Shabaab oo kasoo dagay xeebaha Garacad iyo Garmaal, waxa ayna Ciidamada Puntland dagaalkaasi kusoo qabteen tiro maxaabiis ah.






LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here