Banaan baxyada looga soo horjeedo Tacadiyada Booliiska Mareykanka oo sii xoogeestay

0
140
Kerron Stewart, 10, sits with demonstrators on the steps of the Louisiana State Capitol building in Baton Rouge, Louisiana, U.S. July 10, 2016. REUTERS/Shannon Stapleton

Waxaa wali magaalooyin kuyaala dalka Mareykanka kasocda banaan baxyo waa weyn oo looga soo horjeedo tacadiyada ay booliiska Cadaanka ah u geestaan dadka Madowga ah.

Banaan baxyadan ayaa sii xoogeestay kadib markii Ciidamada booliiska isbuucii hore dilal kala duwan ugu geeseen magalaooyinka Louisiana iyo Minnesota labo nin oo kasoo jeeday dadka Madowga Mareykanka ah .

Ciidamada booliiska ayaa ka hortagaya rabshadaha ay sameenayaan dadka Madowga ah ee dhigaya banaan baxyada ay uga cabanayaan booliiska, waxaana la xiray boqolaalqof oo ku lug lahaa banaan baxyada kasocda magalaooyin kuyaala Mareykanka.

Banaan baxyada ay dhigayaan dadka Madowga ah ayaa saameyn badan ku yeeshay magaalooyinka qaar oo xirmay ganacsiyo iyo isku ocodka gaadiidka, waxa ayna dadkan Madowga ah wataan boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ay ua soo horjeedaan Tacdiyada booliiska iyo hal ku dhigyo kale.









LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here