Ballan-Qaad Afka Ah….Dib Haddaan U Aammino(Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii Ee Xisbiga Kulmiye)Boobe

0
284

“Wadaamaha la dawdabay,

Dan-yartay ka maqan tahay,

Raacdadu ma daallana,

Dorraad iyo shalay-jire,

Doorka maanta noo jire,

Dib-u-jire hadhow-jire,

Ninba weel u daray baa,

Deyn loogu leeyahay,

Diiwaanka qarankiyo,

Taariikhdu dug ma leh,”

 

Maansadii Awrka dooh ma lagu yidhi ee Cabdi Iidaan Faarax ee Deelleeydii kuna taariikheysneyd: 7/4/1980kii, Hargeysa,

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com,www.dharaaro.com

Qormada: 22aad

31/1/2015ka Hargeysa,

Dastuurka Qaranka waxa ku xaddidan noocyada ciidammada Qaranka oo ah: Ciidanka qaranka ee Milleteriga, Booliska iyo Asluubta. Xisbiga Kulmiye markii uu Barnaamajkiisa wax-qabad-ku-sheegga qalin-daraalaynayay wuxu maanka ku hayay saddexdaa ciidan qaran iyo xafiiska sir-doonka oo sida ka muuqatay ay ku hammiyayeen.

Maanta, hadal-haynta shacbiga Somaliland waxay u badan tahay ciidammo aan ahayn kuwaa Dastuurka ku qoran ama ku sheegganba Barnaamajkan Xisbiga Kulmiye. Barnaamajkan aynu maalmahanba dersaynay, marna kama hadal ciidammada noqday hadaaqa dadweynaha ee RRu-da, SPU-da, OPU-da iyo kuwa kale ee socda ee baadi-soocda looga dhigi doono magacyada sandahan ee jaan ee aynaan dhaqan iyo caado midnaba u lahayn una lahaan jirin.

Aynu u gudubno Bogga 29aad, oo lagaga hadlayo ballan-qaadyo daarran ama ku saabsanba waxbarashada. Mowduucani wuxu ku suntan yahay:

 

Horumarinta Waxbarashada Aasaasiga ah iyo Tacliinta Sare:

Waxaan magan idiin ka ahay in aad mar walba maanka ku haysaan in aan Barnaamajkan Kulmiye idiin ku soo gudbinayo sida uu u qoran yahay. Waxaan ka baqanayaa in aan af-soomaali-qorid-xumadaa ka raaco oo inta ay ila tagto aan ka soo noqon waayaba.

Mowduucan Xisbiga Kulmiye wuxu ka qoray:

”Dalka maanta waxaa jira ilaa 400 oo Dugsi oo Hoose/Dhexe iyo 200 oo Dugsi Sare iyo ilaa 3,000 oo Macallin oo dugsiyadaas wax ka dhiga. Carruurta Dugsiyada Hoose/Dhexe dhigtaa ilaa 200,000-250,000 carruur ah. Carruurta Somaliland ee joogta da’dii waxbarasho waxa Dugsiyada ka dhigta 34%, inta badan ubadkeennu ma dhigtaan dugsiyada. Carruur lagu qiyaasay 17% ayaa dugsiyada meel dhexe kaga tagta (school drop outs) saboolnimo awgeed. Tayada barayaasha dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare way hoosaysaa. Barayaasha dugsiyadaas tiradoodu waa ilaa 3000 macallin, 1500 ayaa xukuumaddu mushahar siisa. Kuwaa laftooda lama siiyo mushahar iyo gunooyin ku filan noloshooda aasaasiga ah.

Waxbarashadu waxay door-weyn ka qaadataa midnimada ummadda dib-u-dhiska dhaqan-dhaqaale ee qaranka. Waxbarashada dal kasta waxa aasaas u ah manhaj isku mid ah oo ku taagan tiirarka aasaasiga ah ee dhaqanka, diinta iyo baahiyaha aasaasiga ah ee dalka iyo dadka.”

Haddaba kulmiye wuxu ballan-qaadayaa: 

·         “Waxbarashada aasaasiga ah waxay ka bilaabmaysaa barashada Quraanka iyo diinta Islaamka,”

Faallayn aad u kooban:

Maxaa loo qabtay malcaamadihii? Miyaanay sidii hadhkii geedka u fadhiyin? Miyaanay carruurtu dhex joogin boodhkii iyo siigadii?

·         “Inuu dhiiri-geliyo ka qeyb-qaadashada bulshada iyo waalidiinta horumarka waxbarashada ubadkooda iyo deegaameynta waxbarashada,”

Faallayn aad u kooban:

Miyaad maqasheen meel dhiirri-gelintaas lagu hadal-hayo? Meel lagu sameeyay ama laga hirgeliyayba? Deegaamayntan la xusay maaxaad ka haysaan? Maxaa laga qabtay?

·         “In miisaaniyadda waxbarashada la kordhin doono 15% sanadkii. Miisaaniyad sanadeedka koowaad”

·         “In waxbarashada aasaasiga ah iyo akhris/qorista laga dhigo lacag la’aan.”

Faallayn aad u kooban:

Qodobkaas miyaad haysaan? Akhris iyo qoris bilaash lagu barto meelna ma ku haysaan?

·         “In la hormariyo degaanka dugsiyada (school environment) iyo agabka waxbarashada ee daruuriga ah.”

Faallayn aad u kooban:

Wax ka sii dhaca mooyaan e’ wax u soo kordhay ma jiraan. Haddii laga tegi waayo, malahayga waxaan qabaa in tirade Dugsiyada la kordhiyay iyada oo la adeegsanayo Hay’adaha caalamiga. Waa waxyaabaha ugu badan ee war-baahinta laga sii daayo.

·         “In waxbarashada wadanku ku jihaysnaato horumarka iyo wax soo saarka wadanka, (development oriented education).”

Faallayn aad u kooban:

Habkii iyo hannaankii wax loo baran jiray waxba lagama beddelin. Waa aqoontii guud uun waxa la bartaa bal se ma jirto waxbarasho qaybo nolosha ah oo gaar ah ku jihaysani.

·         “In ilmo kasta oo da’da dugsiga gaadhay uu xaq u leeyahay inuu helo waxbarasho iyadda oon aan loo eegin lab/dheddig iyo deegaan midna.”

Faallo aad u kooban:

Ilmo kasta oo da’da dugsiga gaadhay xaq ayuu u leeyahay in uu helo waxbarasho iyada oo aan loo eegin lab/dheddig iyo in uu ardaygaasi runtii helo fursaddaasi waa laba arrimood oo kala duwan. Haddii ay ahayd in ay Xukuumaddan dalka ka talisaa fursaddaas bixisaa, run ahaantii ma ay dhicin. Si kooban haddii aan u dhigo xaalku waa sidiisii haddii aanu ka sii daranba. Wax is-doorshay ma ay dhicin.

·         “In la dammaanad qaado waxbarasho baahiyaha gaarka ah leh (dhego la’ iyo indho la’ iwm)”

Faallo aad u kooban:

Sidii ayay beylahda iyo baahiyuhuba uga jiraan Dugsiyada baahida gaarka ah leh. Dugsiyadii caadiga ahaa ayaaba laga deyrinayaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here