Badhasaabka Gobolka Haw Doo Shir Deg Deg Ah Iskugu Yeedhay Laamaha Dawlada Ee Gobolkaasi

0
171

Hargeisa(SDN)Waxa maalinta beri si rasmi ah uga furmi doona xarunta gobalka HAWD, ee Balligubadle, shir uu iclaamiyay Badhasaabka Gobalka HAWD, oo isugu yeedhay dhammaan isu-duwayaasha Wasaaradaha xukuumadda uga wakiilka ah gobalka HAWD.

badhasaab.png h

Shirkan oo uu Guddoomin doono badhasaabku, ayaa noqon doona mid lagula xisaabtamo waxqabad la’aanta shaqo, ee isu-duwayaasha Wasaaradaha ee Gobalka,iyada oo tirada isu-duwayaasha gobaka ee Wasaaraduhu, ay tiradoodu aad u badan tahay,

balse aanay gudanin waajibaadkii shaqo ee looga baahnaa, iyada oo intooda badani ay u xaadiraan uun mushaharka ay ka qaataan Wasaaradaha ay ku magacaaban yihiin, marka laga reebo Guddoomiyaha Waxbarashada ee Gobalka HAWD, oo ah masuulka kaliya ee sidii la rabay u guta hawshiisa shaqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here