Badhasaabka Awdal Oo Ka Hadlay Xil Ka Qaadistii Lagu Sameeyey Maayarka Iyo Ku Xigeenka Boorame

0
152

Hargeisa(SDN)Badhasaabka gobolka Awda Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa ka hadlay fadhigii ay saaka yeesheen xildhibaanada golaha deegaanka ee Boorame kaas oo ay xilkii kaga qaadeen maayarkii iyo xigeenkii magaaladiisi.

 

 

Badhasaab Ramaax oo saaka qayb galay fadhiga iyo yeesheen xildhibaanada golaha deegaanka Boorame ayaa ka war bixinaya sida ay u dhacday codayntu waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Maanta oo ay taariikhdu tahay 24/06/2015 ayna ahayd shantii maalmood ee ku soo wareegtay gobolka wasaaraduna soo ogolaatay, si sharciya ay uga soo wada qayb galeen xildhibaanada ay tiradoodu tahay 18- xildhibaan, maayarka waxa xilka ka qaaday 18- xildhibaan isaga iyo laba xildhibaan oo kale ayaa ka maqnaa, waxaanay golaha deegaanku Maayar u doorteen Maxamed Xuseen maydhane oo helay 13 cod oo ka mid ah 18-ka xildhibaan ee ka soo xaadiray fadhiga.”

 

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu is casilay maayar ku xigeenku isla markaana la doortay mid cusub waxaanu yidhi “Waxa is casilaad sameeyey gudoomiye ku xigeenkii hore kaas oo si ilbaxnimo ah iyo maamul wanaag iyo toosin ah uga qayb qaadanayey hawsha lagu dooranayey hogaanka cusub, waxa maayar ku xigeen loo doortay Cumar Ileeye Jimcaale iyada oo shan xubnood u tartameen jagadaas maayar ku xigeenka.”

 

Badhasaab Ramaax oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Sidaas darteed waxa halkaas ku xalaaloobay iyada oo garyaqaankiina fadhiyo xildhibaanadiina ay dhamaantood fadhiyaan in maayark iyo maayar ku xigeenku saacadaas laba bilaabo ay yihiin Maxamed Xuseen Maydhane iyo Cumar Ileeye Jimcaale.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here