Baanka Somaliland Oo Lacago Xad-Dhaaf Ah Soo Daabacaya Xili Dalku Sixir-Barar Iyo Shilin Barar La Ciir Ciirayo

0
774

Hargeysa(SDN)Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa  waxaa ay warar xog ogaal ah oo soo gaadhay shabakada Ilaysnews.com ay sheegayaan in uu soo daacadey lacag cusub.

 

Lacagtaas ayaa xogaha ay Ilaysnews.com heshay sheegayaan in ay baanka dhexe ee Somaliland oo ku yaala magaalada Hargeysa ay soo gaadhey shalay duhur nimadii abaaro 12 Duhur nimo .

 

Sidoo kale baanka dhexe ayaa la filayaa in uu lacagtan shilling Somaliland-ta ah uu ku sii daayo suuqyada Somaliland .

Ilaa hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay baanka dhexe oo lagu cadeynaayo in uu baanka dhexe soo daabacdey lacag cusub.

Balse arintan ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili ay dalka ka jirto sicir barar xoogani isla markaana uu cirka isku shareeray sarifka lacagta Dollar-ka oo 1 Dollar lagu sarifaayo 10,000 kun oo shilling Somaliland ah .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here