Axel Witsel Oo Xaqiijiyay Inuu Taageere U Yahay Man United.

0
275

26 jirka qadka dhexe uga ciyaara kooxda Zenit ee dalka ruushka Axel Witsel ayaa xaqiijiyay inuu taageere u yahay kooxda Man United.

Laacib kaan ayaa sheegay inuu doonayo inuu ka ciyaaro horyaalka ingiriiska gaar ahaan kooxda ku ciyaarta Old Trafford.

Axel Witsel oo lahadlay saxaafada ingiriiska ayaa yiri:

“Waxaan rabaa inaan maalin uun ka ciyaaro horyaalada ugu waa wayn yurub, waa xaqiiqo inaan jeclahay horyaalka ingiriiska waayo waamid kamid ah horyaalada ugu fiican aduunka, wuxuu iilamid yahay kan Germany iyo Spain”.

“Premier League waa horyaal xamaasad badan, asxaabtayda qaranka (Belgium) badankood halkaas ayeey ka ciyaaraan, lakiin waan arki doona wixii dhaca”.

“Waxaan ahay 26 jir walina waan da,yarahay, markii aan yaraa ilaa haatan waxaan taageere u ahay kooxda Man United”.

Axel Witsel ayaa kamid ah laacibiin diirada u saaran kooxda macalin Van Gaal suuqa kala iibsiga ee bishaan janaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here