Askari Dilay Duqii Gobolka Punjab Oo Saakay La Dal Dalay Ee Dalka Pakistan

0
179

Dowlada Pakistan ayaa saakay xukun dal dalaad ah waxa ay ku fulisay askari katirsanaa Ciidanka booliiska dalkaasi ,kaa oo lagu helay dambi ah in uu dilay Duqii gobolka Punjab ee dalka Pakistan Salman Taseer.

Askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray Mumtaz Qadri, ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxa uu ku jiray xabsiyo kala duwan oo dalkaasi kuyaala, waxaana ugu dambeyn dowlada ay shaacisay in saakay la dal dalay.

 

Banaanbaxyo waa weyn oo looga soo horjeeday dilka ay dowlada Pakistan ku fulisay askrigan katirsan booliiska ayaa kasocda qeybo kamid ah dadkaasi, dadka banaanbaxa dhigayaa ayaa aad u taageersanaa falka dilka ah uu geestay askariga , iyagoona muujinayay dareenkooda sidaay uga xun yihiin dilka saakay ninkaasi ay u aqoonsan yihiin geesiga loogu fuliyay.

Duqa Gobolka Punjab ee la dilay ayaa la sheegay in uu u ololeenayay in xabsiga laga sii daayo gabar wax ka sheegtay Diinta Islaamka iyo Nabi Muxamed NNKH , waxaana xiligaasi dilay Duqa askarigan oo kamid ahaa ilaaladiisa.

Malaayiin shacabka Pakistan katirsan ayaa iyagu taageeray dilka loo geestay Duqii Gobolka Punjab , waxa ayna Dowlada Pakistan marar badan ka dalbadeen in xabsiga laga siidaayo Mumtaz Qadri,oo ahaa askariga dilka geestay.







LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here