Arsenal Oo Qarka U Saaran Heshiiska Gabriel Paulista Laakiin Waxa Ay Dagaal Ugu Jiraan Inay U Helaan Ogolaanshaha Shaqo Ee UK.

0
281

Arsenal ayaa isku diyaarineysa dagaal ay la galaan waxda socdaalka Britian iyagoo raadinaya inay dhamesytiraan saxiixa Gabriel Paulista.

Gunners ayaa xalayto ku dhaweyd inay heshiis kala gaartay daafacaan dhexe kooxda reer Spain ee Villarreal iyadoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 15 milyan ginni.

Laakiin caqabada ugu weyn ee heshiiska ayaa ah in ogolaansho shaqo looga helo UK daafaca reer Brazil.

24 jirkaan ayaan u ciyaarin xulka waa weyn ee dalkiisa, waxaana ay taasi keeni doontaa inay ku adkaato in loo helo ogolaansho shaqo.

Si kastaba, Arsenal ayaa diyaar u ah inay racfaan ka qaadato go’aan walba iyagoo isku dayaya inay Paulista soo xerogeliyaan bishaan.

Haddii FA-ga oo ka wakiilka ah laanta socdaalka marka ay timaado kiisaskaan ay diidaan inay daafacaan siiyaan warqadaha loo baahan yahay inuu uga ciyaaro UK, Gunners ayaa markaas warqadaheeda heshiiska ku cadeyn doonto in Paulista uu yahay ciyaaryahan ay tayadiisa sareyso si ay ogolaansho shaqo ugu helaan.

Tani ayaase noqon karta mid adag, madaama Paulista uusan u ciyaarin weli Brazil.

Sharciga ayaa dhigaya in ciyaartoyda  u ciyaaray mid ka mid ah  70ka xul ee ugu sareeya FIFA labadii sanno ee ugu danbeysay islamarkaana saftay 75 boqolkiiba kulamadii xulkiisa uu ciyaaray inay heli karaan ogolaanshaha shaqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here