Arsenal Oo Ku Dhawaaqday In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Difaacii Kooxda Juventus Ee Stephan Lichtsteiner

0
343

Kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystirtay difaacii kooxda Juventus ee  Stephan Lichtsteiner. Difaacan khibrada badan leh ee ree Switzerland ayaa kooxda Juventus kula soo guulaystay 7 koob oo horyaalka Talyaaniga ah wuxuuna ugu danbayn ka baxay Old Lady isaga oo waayihiisa cusub ka bilaaban doona London.

 

Stephan Lichtsteiner ayaa si xor ah ugu soo biiray kooxda Unai Emery ee Arsenal isaga oo macalinka ree Spain u noqday saxiixa kowaad ee uu Emirates Stadium ka sameeyay kadib markii uu dhawaan badalay Arsene Wenger oo 22 sano kadib Gunners ka baxay.

 

 

 

Stephan Lichtsteiner oo 34 sano jir ah ayaa kooxda uu ka soo wareegay ee Juventus u soo saftay 250 kulan waana ciyaartoyga afraad ee kulamada ugu badan u soo ciyaaray Old Lady ee ciyaartoyda dalkiisa Switzerland halka 99 kulan oo uu xulka qarankiisa Switzerland uu u soo ciyaaray.

 

Stephan Lichtsteiner ayaa tan iyo sanadkii 2016 kii ahaa kabtanka xulka qarankiisa Switzerland wuxuuna farxad ka muujiyay in uu Arsenal ku soo biiray isaga oo sheegay in uu doonayo in wax wayni uu ka dhaco Gunners.

 

Stephan Lichtsteiner ayaa Arsenal u xidhan doona No.2 waxaana heshiiska 34 sano jirkan farxad ka muujiyay Unai Emery oo dareenkiisa ka hadlay wuxuuna yidhi: “Stephan waxa uu kooxda u keenayaa khibrad wayn iyo hogaamin, waa ciyaartoy tayo fiican leh. Stephan waxa uu horumar noogu samayn doonaa garoonka dushisa iyo banaankiisaba”.

 

Stephan Lichtsteiner ayaa waayihiisa ciyaareed sanadkii 2001 kii ka soo bilaabay kooxda dalkiisa Switzerland ee  Grasshopper Zurich halkaas oo uu sanadkii 2003 ugu soo guulaystay koobka horyaalka dalkiisa wuxuuna uga sii gudbay kooxda Lille ee dalka France oo uu saddex sano ku qaatay.

 

Laakiin sanadkii 2008 kii waxa uu ku biiray kooxda horyaalka Talyaaniga ee Lazio isaga oo kula guulaystay koobabka Copa Italia iyo Supercoppa Italina ka hor tinii aanu Juventus u dhaqaaqin 2011 kii wuxuuna Juve kula soo guulaystay koobab badan oo ay 7 Serie A ahi ka mid yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here