Aroos aan Caadi aheyn oo shalay ka dhacay Muqdisho

0
386

Muqdisho(SDN)Waxaa shalay Hotelka Dayax ee Magaalada Muqdisho ka dhacday Xaflad aroos oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayna kasoo qeyb galeen in ka badan Kun Qof oo isugu jiray Masuuliyiin, Saraakiil Siyaasiyiin , Salaadiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Xaflada Arooska oo lagu tilmaamay mid kamid ah Aroosyadii ugu qatarsanaa ee Mudooyinka ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa la isugu guurinayay labo lamaane oo ifka iska doortay kuwaa oo lagu kala Magacaabo Duuliye sare Ismaaciil Cabdi Cali Faarax iyo Nasra Xirsi Ciise.

Waxaa kasoo qeyb galay Xaflada Arooska Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Baarlamaanka Galmudug , Saraakiil Ciidan uu horkacayay Taliyaha Ciidanka Booliiska Somalia, Xubno katirsan Maamulka Gobolka Banaadir ,Siyaasiyiin magac dheer, Salaadiin,Culumaa’udiin caan ah, Ajaaniib, Qurbo joog , Ganacsato waa weyn, Ururada Bulshada Rayidka , Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada iyo marti sharaf kale oo aad u badan.

Dhamaan dadkii ka hadlay Munaasabada Xaflada Arooska ayaa u hambalyeeyay lamaanaha is doortay iyagoona ilaah uga baryay in guurkooda uu noqdo kii lagu nagaado lagu farxo ubad qeyr qabana ilaah kala siiyo lamaanayaasha is calmaday.

Sheekh Cali Wajiis oo kamid ahaa Culumadii Xaflada Maherka kasoo qeybgashay ayaa sheegay in xaflada arooska lagu tilmaami karo tii qarniga maadaama ay kulmisay bulsha Weynta Soomaaliyeed dhamaantood, waxa uuna ugu baqaay dhalinyarada intii awooda in ay guursadaan, isagoona sidoo kale halkaasi uga duceeyay lamaanayaasha Isdoortay.

Xaflada Arooska ee loo dhigay Ismaaciil Cabdi Cali Faarax iyo Nasra Xirsi Ciise waxaa kasoo qeyb galay in ka badan kun qof oo kasocday dhamaan Soomaali weyn kuwaa oo siyaabo kala duwan xaflada loogu casuumay, waxaa sidoo kale xaflada wacdaro ka dhigay Kooxda Fanka ee Shamsu Diin.























































































LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here