Arin Murugo Leh :- Nin Dilay Labadiisii Waalid Iyo Ededii

0
1212

Booliiska Talyaaniga ayaa xiray nin lagu eedeeyay inuu sunta jiirka siiyay xubno ka mid ah qoyskiisa sababtana uu ku sheegay inay yihiin dad aan daahir ahayn.

Mattia Del Zotto oo 27 jir ah ayaa lagu eedeeyay uu suntan ugu qariyay cuntada waalidkii dhalay hooyadii iyo aabihii iyo eedadii, kuwaasoo suntaas u dhintay, iyadoo shan ruux oo kale oo xubnaha qoyskiisa ah lagu dabiibayo isbitaal.

Del Zotto ayaa lagu xiray degaanka Monza oo u dhaw Milan, ka dib markii la sheegay in booliisku ay koombiyuutarkiisa ka heleen rasiiddadii uu ku gatay sunta.

Markii la xiray ka dibna wuxuu sheegay in uu doonayay “in uu ciqaabo dadka dambiileyaasha ah”, sida ay dacwad oogeyaashu sheegeen.

Hooyadii ayaa inta aysan geeriyoon u sheegtay baareyaasha in wilkeedu uu dhawaan ku biiray dariiqo diimeed aan la aqoon kuwaasoo bedelay maskaxdiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here