Arin Dunida Ka Yaabisay Diyaarad Sheegtay In Laga Xaday Bustayaal Oo Dib Raali Galin U Bixisay

0
2966

USA(SDN)Shirkadda diyaaradaha ee American Airlines ayaa raaligelisay laba ciyaaryahan oo si qasab ah looga dejiyay diyaarad ka dib markii si khalad ah loogu eedeeyay xatooyo.

Marquis Teague iyo Trahson Burrell ayaa raacay diyaarad si ay uga qeyb galaan ciyaar Laakiin, ka hor inta aysan diyaaradda kicin, mid ka mid ah shaqaalihii diyaaradda ayaa sheegtay in ragga ay bustayaal ka xadeen qeybta qaaliga ah ee diyaaradda, xoog ayaana looga dejiyay.

Balse markii dambe waxaa soo baxday in rakaab saarnaa qeybta hore ee qaaliga ah, ay bustayaasha siiyeen raggaasi caanka ah.

Labada laacib ee kubadda koleyga waxay u dhasheen Mareykanka, asalkoodana waxay ka soo jeedaan Afrika, taas ayaana loo aaneynayaa in ay sabab u tahay in mid ka mid ah shaqaalaha diyaaradda ay eedeysay.

Labada ciyaaryahan oo ka tirsan kooxda qaran ee ciyaaraha yar, Memphis Hustle, kama aysan hadlin dhacdada.

Balse, ku xigeenka tababaraha kooxda Hustle, Darnell Lazere ayaa Twitterka soo dhigay qoraal uu ku sheegay in uu aaminsan yahay in ficilka uu ku saleysan yahay jinsiyad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here