Arin Cajiib Ah Oo Lagu Arkay Xeebta Batalaale

0
388

Hargeysa (Ilays-News):-Magaalada Berbera ayaa waxay sheegayaan in Xeebta Batalaale ee magaalada Berbera ay shalay ilaa saaka dadkii ku dabaalanayay kala kulmeen waxaan hore loogu arag oo ah Daamur jidhka dadka ku dhagaya oo aan kaa go’ayn isla markaana saamayn ku yeeshay dadkii aan ka war hayn ee badda markii hore galay.

Lama garanayo Daamurkani waxa uu yahay, iyo meel uu ka yimi toona, hase yeeshee dadkii saaka galay ee dhacdadan la kulmay ayaa noo sheegay,waxayna dadkaasi ku mashquulsan yihiin wixii ay iskaga maydhi lahaayeen, iyadoo wax kasta oo ay ku da’yeen aanu goynayn.

 

Xoguhu waxay intaa ku darayaan in daamurkani uu Jidhka qofka meel walba kaga dhagayo,waxaanu saamayn ku yeeshay dadweynihii usoo dabaal tagay oo ka baqaya badqabka Daamurkan hadduu uu jidhkooda taabto.

 

 

Dadka qaar ayaa ku sheegaya in ay waxani yihiin Saliid laga yaabo in maraakiibta Reer Galbeedka ee Badda joogtaa ku daadisay, ama kuwa badda mara, hase yeeshee waa wax ka adag Saliida Injiinada,sida ay sheegeen dad ku dabaashay oo kala kulmay arrinkani.

Dhanka kale magaalada Berbera saaka waxa si aada looga hadal hayaa arrinkan lagu arkay xeebta Batalaale ee magaalada Berbera oo aan hore loogu arag.

Ilaa haddana kamay hadal maamulka dekeda Berbera iyo maamulk gobolka  Saaxil  toona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here