Ardeyda Jaamacadda (UNISO) oo mar kale tababar ku qaatay xarun lagu xanaaneeyo Digaagga

0
153

Ardeyda dhigata kulyadda xanaanada xoolaha iyo beeraha ayaa markii 2-aad waxa ay booqasho ku tageen xarun digaagga lagu xanaaneeyo oo ku taalla deegaanka KM13 ee duleedka magaalada Muqdisho.

 

Ardeyda ayaa waxaa gaadiidka jaamacaddu leedahay looga qaaday xarunta 21-ka Janaayo ee agagaarka jidka Warshadaha halkaas oo ah halka ay ardeyda kulyadda beeraha iyo xanaanada xoolaha ku qaataan daraasaadka.

 

Xarunta digaagga lagu xanaaneeyo oo ardeyda si baraatik ah loogu waday ayaa waxaa intii ay ku sugnaayeen sharaxaad dheer ka bixiyay qaabka digaagga loo dhaqo Dr Yaasin Cabdi Aadan, oo ah milkiilaha xarunta kana soo qalin jebiyay kulyaddii xanaanada xoolaha ee Jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed, casharrana ka bixiya Jaamacadda UNISO.

 
Dr Yaasin Cabdi Aadan ayaa waxa uu ardeyda u sharaxay sida digaagga ukunta u dhalo, qaabka loo siiyo biyaha iyo raashinka, sidoo kale qaabka Ukunta loo fiiqo iyada oo la adeegsanayo mashiin, sida loo daweeyo hadii ay xanuunsatto, raashinka ugu haboon ee la siiyo iyo Hooyga digaagga sida uu ku haboonyahay in laga dhigo.

 

Ardeyda ayuu kula dardaarmay in carashadii ay barteen ficil u bedelaan oo ardeydu ay sameeyaan xarumo digaagga lagu dhaqo maadaama uu kamid yahay digaaggu xoolaha ay Soomaalidu dhaqato.
Waxa uu sheegay Dr. Yaasiin in ardeyda dhigata kulyadda dhawaan sidaan oo kale loo geyn doono xaruma lagu xanaaneeyo Geela, Ariga iyo Looda si ay wax badan uga ogaadaan.

 
Hormuudka Kulyadda Beeraha ee jaamacadda Soomaaliya (UNISO), Dr. Maxamed Axmed Kulane, ayaa waxa uga mahaceliyay Dr Yaasin Cabdi Aadan sida uu xaruntiisa digaagga lagu xanaaneeyo ugu casuumay ardeyda si ay wax badan uga ogaadaan cilmiga ay baranayaan, waxa uuna ardeyda dhigata kulyadda kula dardaarmay in ay ka faa’iideestaan fursadaha la siiyay.

 

Waxa uu sheegay hormuudka Kulyadda in Dr. Yaasiin uu si muuqda ula qarab istaagay jaamacadda Soomaaliya aqoontiisa iyo hantidiisa si xaruntiisa digaagga ay ardeydu ugu baraatikeeyaan.

 
Dr. Maxamed Axmed Kulane ayaa waxa uu sheegay oo kale in jaamacadda Soomaaliya ay heshiis lasoo gashay beero ay ugu tala gashay in ardeydeedu ay ku bartaan cilmiga beeraha, dhawanna socdaal lagu tegi doono.

 
Ardeyda socdaalka qeybta ka ahaa ayaa waxa ay iyana la hadleen warbaahinta waxa ayna ka hadleen dareenkooda ku aadan aqoon kororsiga, waxa ayna aad usoo dhaweeyeen dadaalka ay wadaan madaxda jaamacadda Soomaaliya ee ku aadan tayeynta aqoonta.

 
Mid kamid ah gabdhaha wax ka dhigta kulyadda beeraha iyo xanaanada xoolaha ayaa waxa ay tiri, “Maanta waxa aad I wareysaneysaan aniga oo cilmi ka kororsanaya xarun digaagga lagu xanaaneynayo, berrina waxaa ley wareysnayaa aniga oo xarun tan oo kale ah sameeyay”

 
Booqashada ay ardeydu ku tageen xarunta digaagga lagu xanaaneeyo ayaa waxa ay kamid aheyd qorshaha horumarinta tayada waxbarashada jaamacadda Soomaaliya, waxaana jiri doona booqashooyin kale oo ardeyda dhigata kulyadda Beeraha ay ku tagi doonaan beeraha dalka si ay u ogaadaan qaabka beeraha loo beerto iyo waxtarkooda.

 

Dhawaan ayaa jaamacadda Soomaaliya waxa ay kulyadaha ay bixiso kusoo dartay Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha, waxaana socdaalkaan mid lamid ah ardeyda kulyadda qaarkeed ay ku tageen isla xarunta maanta ardeydu ay booqdeen.

 

Gudoomiyaha Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) Dr. Ismaaciil Cali Siyaad oo bil kahor la wareegay xilkaan ayaa waxa uu ku dhawaaqay qorshaha horumarinta tayada waxbarashada, waxa uuna dadaal ugu jiraa qaabkii dalka Soomaaliya oo dhan loo gaarsiin lahaa waxbarasho tayeysan.










LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here