Ardayda sanadkan ka qalin Jabinaysa Jaamacada Admas oo Buuggoodii Difaacay+Sawirro

0
336

Hargeysa(SDN)Munaasibad balaadhan loo lagu qabtay Xarunta Jaamcada Admas ee Magaalada Hargeisa oo ay Ardayda Sanadkan ka qalin jabisay Jaamacada Admas ku difaacayeen Buuggoodii Qalin jabinta (Thesis) ayaa waxa ka soo qayb galay Maamulka Jaamacada, Masuuliyiin ka socotay Wasaarada Wax barashada iyo marti sharafkale oo tiro badan.

Madaxa kuliyada Barashada Horumarka Prof. Selemon oo furitaankii munaasibadaasi furay ayaa sheegay inay ardayda Sanadkan ka qalin jabiyey Jaamacad ay munaasibadan ku difaacayaan Buuggoodii Qalin jabinta oo ay soo wada in mudo ah.

 

 

 

Gudoomiya Jaamacada Admas Prof. Ixsaan Cumer oo ugu horey ka hadlay ayaa sheegay inay maanta tahay Gaba gabadii Cilmigii ardaydu ay baranayeen mudadii  ay Jaamacada ku jireen, “halkani waa meeshii ay dadka ku tusayeen wixii ay barteen mudadii ay jaamacada ku jireen” ayuu sheegay Ixsaan.

Madaxa ilaalinta Tayada Aqoonta ee Jaamcadaha Admas oo Hadal kooban ka ka soo jeediyey Munaasibadaasi ayaa waxa uu ku bilaabay “waad ku mahad santihiin fursadii aad isiiseen inaan halkan  uga hadlo aad baanan ugu halbayeynayaan dhamaan arday maanta halkan fadhida ee difaacaya wax qabadkooda, cilmi baadhistu waa furaha shay kasta xataa naftaada, mana aha aqoon oo kaliya balse waa xirfad lagama maarmaan u ah naftaada aqoontuna bilaa xirfad waxay tahay majirto, tanina waa bilawga xirfadiina markaa waxaan idin leeyahay hambalyo” ayuu yidhi.

 

 

Mustafe oo ah masuul ka socday Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa sheegay ” anigoo ku hadlaya afka Agaasimaha Tacliinta sare waxaan idiin ku hambalyeynayaa Guusha aad ka gaadheen waxqabadkiina, Waxaad diyaariseen Buuggiinii qalin Jabinta maantana halkan  aad u joogtaan difaacidiisa”. Ayuu yidhi Mustafe

Dhinaca kale masuul sare oo ka socday Waasaarada Waxbarashada Somaliland Pro Maxamed Jamac Rooble oo munaasibadda ka hadlay ayaa ugu mahad celin balaadhan u soo jeediyey arday difaacayey kuna Amaanay siday u soo ban dhigeen Cilmigay barteen iyo siday u difaacayeen Buuggooda ay ku qalin jabiyeen, waxaanu ku booriyey inay sii wataan Cilmigay barteen.

 

 

Dhinaca kale intaasi ka dib Ardayda ayaa bilaabay inay Difaacaan Buuggooda Qalin Jabinta kaasi oo ay goob joog ka ahaayeen Maamulka Jaamacadda, Masuuliyiin ka socotay Wasaarada Wax barashada iyo Marti Sharaf kale oo aad u tiro badan, kuwaasi oo Su’aalo ka waydiinayey ka dib markay soo jeediyaan, halkaasi oo ay ardaydku ku difaaceen Waxqabadkooda kana jawaabayeen dhamaan Su’aalaha la waydiiyey.

 

 

Xaruntka Jaamacada Admas ee Hargeysa waxa sanad walba Xiligan oo kale lagu qabtaa, Munaasibada sidan oo kale ah taasi oo ay Ardaydu ku difaacaan Buuggooda Qalin Jabinta, iyadoo halkaasi Su’aalo kala gadisan lagu waydiiyo.

Gaba-gabadii Madaxa Academic-ga Jaamacada Axmed-Naasir Xasan oo kalmadii gunaanadka ka jeediyey Munaasibada ay Ardaydu u difaacayeen Booggooda, waxaanu ku bogaadiyey guusha ay ka gaadheen Aqoonta ay ka barteen Jaamacada Admas oo ay gaba gabadii si qurux badan u soo bandhigeen.

IMG_5807 IMG_5809 IMG_5816 IMG_5818 IMG_5819 IMG_5824 IMG_5829 IMG_5831 IMG_5833 IMG_5836 IMG_5838 IMG_5843 IMG_5847 IMG_5848 IMG_5863 IMG_5867 IMG_5877 IMG_5878 IMG_5882 IMG_5883 IMG_5886 IMG_5890 IMG_5895 IMG_5903 IMG_5905 IMG_5906

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here